Guddiga Xallinta Khilaafaadka Odayaasha Dhaqanka Oo Ku Taliyey In Xubnaha Aqalka Sare Lagu Qeybiyo Qaab Beeleed
Muqdisho, (allssc): Guddiga Xallinta Khilaafaadka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in Xubnaha ka mid noqonaya Aqalka sare ee Barlamanka cusub lagu soo xulo nidaamka beelaha halka markii hore la filayay in lagu soo xulo qaab heer gobol ah.
Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah Muqdisho ugu qabteen gudiga xallinta khilaafaadka ee Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka soo saareen baaq ku aadan in aqalka golaha sare ee Odayaasha lagu qeyb sado qaab qabiil xili ay madaxda Qaranka iyo beesha caalamkaba go’aaamiyeen in lagu qeybsado 18 gobol ee Soomaaliya.
waaxaa shir Saxafadeedkaasi ka hadlay Garaad jaamac Garaad Cali, Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilafaadka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxaa uuna sheegay in in ay gudiga ka soo fara xasheen howshooda.
Waxuuna sidoo kale sheegay in howsha loo xilsaaray aheyd in ay xaliyaan dhaqanka soomaaliyeed howshii loo idmadayna ay soo fara galiyeen Gudiga farsamada ee Soo xulista Baarlamaanka.
Sidoo kale Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Caliyoow oo ah guddoomiye kuxigeenka gudiga xalinta khilaafaadka kana tirsan Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa baaqaasi warbaahinta uga jeediyay madaxda qaranka iyo xubnihi go’aamiyay in 18 gobol ee Soomaaliya ay ku qeyb sadaan aqalka golaha sare ee Odoyaasha.
Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Caliyoow ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay ka fiirsadaan habka ku saleysan in lagu soo xulo 18-ka gobol ee dalka, waxa uuna ugu baaqay in ay ku saleeyaan hab beeleed kaas oo ah 5-ta beelood.
mukhtaar muuse
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37182












