Go’aan Lagu Wada Gaadhay In Cid Ka Baxsan 135 Madax Dhaqameed Aysan Gudbin Karin Xildhibaanada Cusub (Daawo Maqal Muuqaal).
Muqdisho(Allssc): Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku kulmay Gudiga Xalinta Khilaafaad Iyo Madaxweyne Shiikh Shariif, kulanka Madaxda ayaa ka horeeyay kulan ay Gudiga Xalinta Khilaafka iyo Gudiga Farsamada ee eegista xildhibaada oo maanta isu waafaqay in Aysan Xildhibada Soo xuli doonin Madax Dhaqameed aan ka mid ahayn 135 Madax Dhaqameed.
Madaxweynaha oo booqday gudiga Xalinta Khilaafad ka ayaa uga warbixiyay Madaxweyne Shiikh Shariif kulankii ay la qaateen Saraakiil Sare oo ka socday U.N, Safiirada Safarada ka jooga Muqdisho , Gudiga Xalinta Khilaafadka , Qaarkamida Saxiixayaasha , Augustina Mahiga , A.U iyo Dalalka Daneeya ee Arimaha Somalia halkaas oo go’aan lagu xalinayo khilaafaadka Isqab qabsiga Xulista xildhibanada lagu afjaray in Cid dibada ka ah 135 Madax Dhaqameed aysan keeni karin xildhibaano.
Halkan Hoose Ka Daawo
Maxamed Wali Muqdisho
Allssc3@gmail.com
Allssc@allssc.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37523












