Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Galaydh Waa Geesi U Qalma Gudoomiyanimada Guriga Barlamaanka

Horaa loo yidhi Hadimo ruuxii ka taliyow adigaa u halisa, in badan baanu lahayd Kooxda Faroole waar hooy meel fadhiista, waar hooy odaygan Faroole ee khaatumo ku khafiifay doon ha la raacina, Walee shirqoolkii Kenya(Faroole, Gaas, Sakiin Iyo Mahiga) ee ahaa sadexda kursi ee Khaatumo ha nala siiyo, Maxaa ka dambeeyey? Maxaa ka raacay? Ma ku guulaysteen? Farxadii boobku oohin ma isu bedeshay?!!!.

 

Horta sadexdaasi kursi muxuu Faroole u doonayey?

 

  • Waa mare Faroole iyo Gaas waxay sidaasi u samaynayeen si ay u wiiqaan awoodda Khaatumo, si aanay uga dhex muuqanin Barlamaanka cusub.
  • Waa marka labaade waxay doonayeen inay beesha Khaatumo ka dhigaan kuwo laysku haysto oo aan cod iyo cudud toona lahayn.
  • Waa marka sadexaade waxay doonayeen in sheekada xildhibaanada dhulbahante dib loo dhigo, sidaasina ay ku waayaan saami badan oo ay heli lahaayeen.
  • Waa marka afraade waxay doonayeen si aanay ugu soo bixin rag badan oo ay ka baqayaan, sida Dr: Galaydh iyo Dr Cabdikariim, oo ah rag leh miisaan culus, oo khaatumaysan…

 

Shirqoolkaasi maxaa uga suurta galay?

 

Faroole wuxuu dhegta u saaray Mr Gaas beesha Khaatumo kuma doonayso, ee ila dagaal gal khaatumaan rabaa inaan ka takhalusee, Dr Gaasna intuu ka yeelay ayuu gunta ceelkana ugu dhaadhacay, inuu is hor taago xildhibaanada Khaatumo ee xalaasha ahaa, Isimada beesha Khaatumana ay soo xushay, waxaana la arkay qaar uu daaqada ka soo geliyey, hase ahaate halkee bayse ku dambeeyeen sadexdaasi qof ee ay soo marin habaabiyeen, iyagoo uga dan lahaa inay reer tolkood uu ka hor keenaan?!!!!

  1. Horta mid waxay ahayd fanaanadii berisamaadkii oo siday sheegayaan wararka sugani, dawlada Itoobiya ayaa is hortaagtay inay noqoto xildhibaanimad, waxaana diidmadeeda loo aaneeyey jabhadii ONLF oo ay u tahay taageerayaasha ugu waaweyn.
  2. Midna sidaan warkiisa ku helayo wuxuu ku andacoonayaa waar kursiga ha la ii daayo Khaatumaan u shaqaynaya, inkastoo aan dhinaca Faroole ka soo galay, marka kaasi sheekadiisa waa loo fadhiyaa.
  3. Kan sadexaadna waxaa la ii sheegay inuu ka noqday ka mid noqoshada Xildhibaanimada gacan ku rimiska ah, waxaana haatan soo foodsaartay geeri naxdin leh oo ku timi wiil uu dhalay.

 

Intaasi markaynu ka gudubno run ahaantii Dr Cali Khaliif Galaydh oo marar badan xilal ka qabtay Soomaaliya, waa geesi u qalma inuu isu soo taago gudoomiyanimada guriga baarlamaanka cusub, waayo:

  • Aqoonteedii wuu leeyahay.
  • Kartideedii wuu leeyahay.
  • Go’aan qaadasho wuu leeyahay.
  • Cadaalad samayn wuu leeyahay.
  • Aftahanimo wuu leeyahay iyo hadal deeqsiin.

 

Hadaba sifooyinkaasi aan soo sheegay oo dhan waa kuwo ay ummadda soomaaliyeed uga marakacayso, mana aha kuwo aan ugu hiillinayo isku khaatumo ayaad tihiin, isu taagida jagadan yaa ku farxay? yaase ka naxay?

Horta soomaali intii uu ilaahay ka koriyey xaasidnimada, xiqdiga, xumaanta iyo shakhsi nacaybku aad bay ugu farxeen inuu isu soo taago xilkaasi, oo uu gudan karo, yaase ka naxay oo maanta dibinta ruugaya? intaan ogahay aan carabaabo, adna ku dar intaad ogtahaye:

  1. Maamulka Faroole iyo intii cagaha uu ku xaadho.
  2. Maamulka Siilaanyo iyo inta soomaali nacaybku dilooday.
  3. Inyar oo lagu dhex arko deegaanada SSC oo iyagana dhegta wax loo saaray.

 

Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah aqoonyahan, siyaasi ruugcadaa ah, hadii uu maanta ku guulaysto kaalintaasi shacabweynaha Khaatumo State Of Somalia waxay u noqonaysa guul weyn oo u soo hoyatay, sababtoo ah:

  1. Waa mare isaga iyo xildhibaanada kale ee ay isimadu xuleen, waxay u soo ridi doonaan saamiga iyo cadka uu maamulka Khaatumo ku leeyahay.
  2. Waxay isku xidhi doonaan maamulka Khaatumo iyo geedi socodka hawlaha dawlada cusub looga fadhiyo sida fullinta mashaariicda, horumarka iyo nabadgelyada.
  3. Waxay noqon doonaan kuwo ay u aayi doonaan shacabkooda iyo maamulkooduba, si weyna u gudan doona arrimaha loo igmaday, mana noqon doonaan kuwo xamar iska fadhiista oo dantii reerkana ka dhiga jaranjaro ay ku soo korayeen xilalkan loo dhiibtay.

 

Isku soo wada duubo Mudane Cali Khaliif Galaydh xilkaasi uu isu taagay hadii uu ku guulaysto wax weyn buu ku soo kordhin doonaa dawlada cusub ee Soomaaliya u dhalan doontaa, wuxuu ilaa hada haystaa taageerayaasha ugu badan oo iyagu codkooda ula diyaarka ah.

Maamulka Faroole ee isagu ku khafiifay Khaatumana waxaanu u sheegaynaa maanta waa la soo dhaafay sheekooyinkii indhasarcaadka ahaa, beerlaxawsiga ahaa, waxaanay maanta maraysaa inuu reer waliba dantiisa u ordo, in uu xaal sidaasi u dhacana idinka ayaa bud dhigeeda lahaa, waynuna aragnaa ciday caano kaga qubtaane.

Midhka u dambeeya waxaan leeyahay Dr Galaydhoow geesi baad tahay, xaq baad u leedahay inaad xilkaasi isu taagtid, reer Khaatumana raalli bay kaaga yihiine alle ha ku fududeeyo hadaad ku guulaysatid.

Shacabka reer Khaatumana waxaan leeyahay samirka ogaada, daacadnimada ogaada, wixii been iyo munaafaqad wadana ha u joojinina, wixi shirqool iyo geed sare waab wadana ka feejignaada, hana niyad jabina, mar walba cidda dulmiga wadaa ma guulaysatee!!!!….

 

by Ismaaciil Ibraahim Ducaale(Aftaag)

mukhtaar@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=38732

Posted by on Aug 24 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery