Gaas Oo Hor Istagay Sarakishii Dalka Usoo Halgamay Cawana Inaderkii U Magacaabay Gudoomiyaha Maaraynta Masiibooyinka (Akhriso Waraaqdii C/Wali Gaas).
Muqdisho(Allssc): Dhowr saacadood kama soo wareegin kadib markii Waraaq hore ay Xafiiska wakhtigiisu dhamaaday ee Cabdiwali Gaas kasoo baxday midaas oo sheegaysay in Madaxweyne Shiikh shariif uu ku dagdagay Magacaabista Degmooyin cusub, sidoo kale Waraaqda uu soo saaray C/gaas aya hor istaagay Dalacsiin la siiyay dhowr sarkaas oo iyagu wakhtigooda galiyay sidii Casimada Muqdisho amingeeda lo sugu lahaa. Cabdiwali gaas aya aku dacwoonayay in aysan ahayn wakhti habeen ama uu Madax waynuhu ku dagdagay.
Hadaba Intii uusan waagu baryin subanimada saaka waxaa durba xafiisyada Dowlada loo qaybinayaa waraaq kasoo guuraysan Xafiiska C/wali gaas midaas oo lagu sheegay in Wareegto Ra’isal Wasaare lagu magacaabay C/xakiim Cabdi Guuleed oo isku hayb yihiin C/wali gaas. Mr Guuleed ayaa ahaa nin hore usoo qabtay Wasiirka warfaafinta Maamulka Faroole. Waxa aan la garanayn Magacaabistan C/wali gaas waxa uu uga goleeyahay madama Wakhtiga u haray uu yahay 5 maalmood.
Waxaa sidoo kale Xafiiska Cabdiwlai Gaas shalay ka ruq saystay Mr Sabriiye oo isagu C/wali Gaas ku eedeeyay Qabyalan indha la’ oo aan xadlahayn waxaadna ka akhrisan kartaa warkaas oo faahfahsan HalkanHalkan Riix
Sidoo kale waxad halkan ka akhrisan kartaa Waraaq hore oo kasoo baxday Xafiska Cabdiwali Gaas midaas oo lagu hor istaagaya Degmooyin iyo Saraakil cidan oo la dalacsiiyay Halkan riix
Iskusoo wada duuboo waxaa muuqata in C/wali talada ka danbaysa inuu wakhtigan uu muujiyo wajigiisa runta ah ayaa ka danbaysa Kursi jacayl uusan geedna uga waabanayn waxa ku dhiiri galinaya Cabdiraxman Faroole oo isagu Siyaasadiisu noqotay Cadkanow Ku Cunay Ama Ku Ciideeyay.
Halkan Ka Akhriso waraaqkii Cabdiwali Gaas Ku Magacaabay Inaderkii Cabdixakiim Halkan Ka Akhriso Waraaqdii Uu Gaas Inaderkiis Ku Magacaabay
Maxamed Wali Muqdisho
Allssc Office Muqdisho somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37710












