Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Faroole Oo Loo Aqoonsaday Inuu Yahay Kansarka Somalia

Faroole xaqiiqdii waa kansarka Somalia sabbabo faro badan darteed,ilama aha weli in uu jiro cid xuduuda xaqa ah ku soo celisa Faroole balse waxuu aad ugu xadgudbay xuduuda iyo sharafka Somalinimada marba haddii uu umada somali u maleegay siyaasad fog oo eeysan somalida la jaanqaadi karin,siyaasadaas waxaa laga soo maanguuriyay Zanawi oo dhawaan geeriyooday Ethiopia xadgudubka ugu weeyn waxaa uu ka dhextaagan yahay habkii loo soo xulay xildhibaanada somali dhawaan.

Guddiga farsamada ee soo xulitaanka baarlamaanku (TSC) oo noqday gudi siyaasadeed oo ku shaqeeya rabitaanka iyo siyaasada guracan ee C/weli iyo Faroole ayaa noqday gudi aanan dhexdhexaad ka aheeyn siyaasada somaliya,gudigaasi waxaa lagu soo dhisay Ethiopia waxaana shaqsiyaadka ka midka ahaa ragii soo xulay Zanawi,Faroole,Shariif Xassan iyo C/weli,Sh.Shariif iyo Caalin walow xulushada xildhibaanada gudiga lagu wargeliyay in aayan ka mid noqoqn rag qaas ah oo gaaraya 15000 kana soo jeeda koonfurta somalia in aayan ka mid noqon xubin baarlamaan laguna tilmaamo dambiilayaasha dagaalka,hadaba yuu yahay danbiile dagaal ama waa kee danbiile dagaal  ?????

Iyadoo Aynu Ognahay Inay Jireen Ragbadan oo Danbiyo dalka Kagalay islamarkaan Madax Kasoo Noqday Dalka Soomaaliya, Mahaboontahay In ,ragii talada la wadayne weli yihiin xildhibaano iyo raga lagu eedeeynaayo danbiile dagaal sida C/llaahi Sheekh Ismaaciil,Maxamed Faarax Jimcaale, Dr.C/casiis Sheekh  Yusuf,C/raxmaan Ibbi, Xirsi Aadan Rooble, C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf (Luga-Dheere, Maxamed Isaq Afaraale yaa u kala garqaadaya.

Sidee Somalidu u ogolaadeen In Rag Hore oo danbi dalka Kaglayna Ay Noqdaan madax iyo Niman Qaran Inagoo Oo Aynu Ogayn Danbiyadii Aygaleen.

Dr.C/casiis Sheekh  Yusuf oo ahaa wasiirka caafimaadka ee dowladii C/weli  iyada oo la ogyahay in wasiiradii ugu badnaa aay noqdeen xildhibaano halka asaga lagu eedeeyay danbiile dagaal arinkaana lagu sheegay ka dib markii uu Dr.C/casiis diiday in uu u ololeeyo C/weli sida Xoosh wasiirkii dastuurka, C/wahaab Ugaas Xuseen wasiirkii ganacsuga iyo C/aahi Goodax bare wasiirkii qorsheeynta oo intaba noqday xildhibaan baarlamaan u taagan in aay doortaan C/weli.

Nimankii Hore ee Aynu Ogayn  & C/aahi Sheekh Ismaaciil keebaa danbiile dagaal ah,keebaa qaranka u hiiliyay keebaa qayaano qaran galay,keebaa mudan in danbiile dagaal lagu tilmaamo keebaa wadani ahaa labadaa Alow Sahal Umuuraha aniga iyo in faro badan waxaa aay qabaan in C/aahi Sheekh Ismaaciil uu yahay aqoon yahan dalka,dadka iyo diinta wax weeyn u soo qabtay.

Halka Ninkii dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisa gatay kuna soo hogaamiayay cadowgii ugu foosha xumaa ee Somali waa Ethiopia.
-

Faroole,C/weli & Caalin  ayaa soo xirxiray xargaha siyaasadeed ee xiligaan ku wajahan ragaas,waana midka aay aaminsan yihiin in shaqsiyaadkaasi aanan lagu soo derin xildhibaanada baarlamaanka,aaway  xishoodkii,aaway garashada xaqa iyobaadilka,xaqiiqdii somali waxaa aay ku noqoneeysaa dagaal iyo burbur horleh sabbabta oo ah weli dariiq cadaalada lama hayo.

Waxaa socda qorshe Garowe lagu gaaray oo u qaasa reer Puntland in dhamaan ragii dagaalka sokeeye ka qeeybqaatay ee ka soo jeeda koonfurta dalka in la maxkamadeeyo,sida oo kale Faroole iyo C/weli waxaa aay ogolaadeen intii ka soo qeeybgashay hogaankii maxkamadaha iyana in la maxkamadeeyo,sow cadaalodo daro inteeda la eg maaha.

haddii Faroole iyo reerka uu ka dhashay rabaan in dalka aay ku dhaqaan siyaasada guracan ee laga soo manguuriyay Zanawi, waxaa  qoraal qarsoodi ah laga helay Garowe waxaana ku qornaa  in maxkamad la geeyo cidwalba oo ka soo horjeedsata siyaasada Zanawi ku jiheeyay Somalida oo ah federaalka.

By- Dr.Ali.A.Hirabe

mukhtaar@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=39505

Posted by on Aug 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Faroole Oo Loo Aqoonsaday Inuu Yahay Kansarka Somalia”

  1. daciif oo dhan meel xun baa u danbeyneysa waa faroole.

Qormadaada

Photo Gallery