Fadeexad Hadhaysay Ololaha Doorashada Ee Cabdiwali Gaas (Plagiarism)
Plagiarism is copying the work of someone else then passing them off as original as if it is your own work. Min-guurintu (Plagiarism) waa inaad soo guurisid hawl qof kale uu sameeyay, ka dibna aad u soo bandhigtid sidii hawl aad adigu alliftay oo kale.
Qaanuun ahaan maxaa ka dhalan kara: The legal consequences of plagiarism can be considered theft. Marka xagga qaanuunka la eego Min-guurintu ama Plagiarism waxay noqon kartaa xatooyo (xoolo-dadweyne), waayo qof kale wuxuu ku soo tabcay ayaad adigu iska sheegatay adigoo aan qofkaas iyo daka kaleba arrinta la socodsiin.
Haddaba, sida caadada u ah barayaasha jaamacdaha iyo kuwa dugisyadaba iyaga ayaa ardadooda ka waaniya inay qof kale hawshiisa soo minguuriyaan, laakiiin Raiisalwasaare C.weli Gaas oo bare sare oo jaamacdeed gaaray ayaa waxaa yaab ah in ololihiisa doorashada ay hadhaysay Min-guurin (Plagiarism) aan geed loogu soo gabban, taasoo fadeexad ballaadhan ah.
Haddaba akhristoow anigoo aan hadalka kugu dheereyn nala arag bandhigga barnaamij hawleedka ra’iisulwasaaruha sida uu u soo bandhigay nin isku magacaabay Deeq S Yusuf oo meeshii uu nooga soo bandhigi lahaa C.Weli Gaas soo bandhigay Madaxweyne Koromaha Sierra Leone (Siiralyoon). Waxa kaliya ee uu sameeyay waa isagoo booskii Madaxweynaha ku beddelay Raiisulwasaare Gaas. Ceeb waynaa ninbuu ammaantiisii nin kale u guuriyay oo weliba soo bandhigay qorshe uu sheegay in Raiisulwasaaruhu degsaday haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinnimada Soomaaliya .
Waxaa dhici karta in qoraalka oo dhammi uu Min-guuris (Plagiarism) yahay laakiin waqtiga doorashada ka haray oo yar awgeed ayaan idiin soo gudbineynaa inta aynu ilaa hadda helnay oo ogaannay, inta hartayna markii aanu helno meesha laga soo minguuriyay (doorashada ka dib ama ka hor) ayaan ayaan idiin soo gudbin doona haddii ALLAHA awoodda lihi oggolaado. Xataa cinwaannada labada maqaal waa is leeyihiin, guduhuna waa ceebay tacaal. Bal nala eega:
Why Prof.Abdiweli Is The Right Presedent For Somalia?
Why President Koroma is respected locally and internationally?
Maqaalka websiteyada Soomaalida la geliyay waxaan ka soo qaadannay oo kaliya meelaha la soo minguuriyay ee aan ilaa hadda helnay (inta kale naga suga) waana iyaga midabka CAS leh (midabka cas oo dhammi waa min-guuris amd Qish ama Plagiarism hadba kii aad u taqaan), maqaalka laga soo minguuriyay isaga gabigiisaba waan soo bandhignay si aad u aragtaan isagoo dhammeystiran iyo meelaha laga soo xaday oo iyaguna casaan ah . Meelaha aan madowga ka dhignay waa meelaha la isku beddelay sida madaxweynaha oo lagu beddelay raiisulwasaaraha, Sierra Leone lagu beddelay Soomaaliya iwm. CEEB WAYNAA.
Halkan Hoose Ka akhriso Qoraalka Oo Dhamaystiran
Allssc News Desk
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=38048













