Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Dr. Cali Khalif Galaydh Oo Si Rasmi Ah Ugu dhawaaqay in uu tartamayo Jagada Afhayeenka Barlamaanka Somalia.

 

 

 

Muqdisho(Allssc)  Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu tartamayo jagada Afhayeenka barlamaanka Somalia (Somalia parlament Speaker), Xaflad aad loo soo agaamiyey oo lagu qabtey Hotel Saxafi  taasoo ay ka soo qeyb galeen inta badan xubnaha cusub ee barlamaanka Somalia  iyo  marti sharaf ka socota beesha Caalamka, odayaasha dhaqanka Somaliyeed  ayuu Dr Galaydh kaga dhawaaqey Mushraxnimadiisa afhayeenka barlamaanka Somalia.

Dr Galaydh oo xafladaas  hadal aad u qiima badan ka soo jeediyey ayaa waxaa kamid ahaa hadaladiisii qiimaha badnaa

”waxanu wax badan ka badali doona awoodaha barlamaanka iyo awoodaha madaxda dowlada,waxa soomaalia ragaadiyey ayaa ah inaysan dhowrayn waxa ku qoran Dastuurka oo ah ka bulshada kala hagaya”ayuu Yidhi Dr Galaydh.

Dr Galaydh waxa uu ka hadlay inay aad u ilaalin doon qodobada Tastuurka Uu Dhigayo Isagoona Siweyn ugu dheeraday inay barlamanka yahiin Haa’yada kal hagaysa Dowlada Iyo Sharci dajinta ayna muhim tahay inay shaqadooda ahaato mid  Aan fara galinayn Awooda Madaxda Dowlada.

Prof  Galaydh ayaa waday beryahan la tashiyo uu la yeelanayay dhinacyo kala duwan uuna go’aansaday inuu isu sharaxo xilka afhayeenka baarlamaanka oo dad badani ku loolamayaan.

Prof Galaydh ayaa ah ragga ugu cad cad in ay ku guuleystaan jagada afhayeenka barlamaanka Somalia. Dr. Galaydh ayaa haysta taageerada xubno badan oo ka mida golaha baarlamaanka cusub. Waxaa jira in ay isa soo sharaxeen xubno aan rajo badan ka lahayn inay helaan jagadan, qasdigooduna ahayn helida xilka gudoomiyaha Baarlamaanka laakiin wada bar baryaac, fasax hoosena ka helay qaswadayaasha ku suagan Garoowe iyo Muqdisho.
Maxamed Wali

Allssc Muqdisho

Allssc@allssc.com

Info@allssc.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=38580

Posted by on Aug 23 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Dr. Cali Khalif Galaydh Oo Si Rasmi Ah Ugu dhawaaqay in uu tartamayo Jagada Afhayeenka Barlamaanka Somalia.”

  1. Waaw hambalyo aqoon waa hayaa bay ila tahay

Qormadaada

Photo Gallery