Deg Deg: Maxkamada Sare Ee Qaranka Oo Go’aan Adag Ka Qaadatay Diidmadii Gudiga Farsamada
Muqdisho(Allssc):Maxkamadda sare ee dalka ayaa ka hadashay diidmada xubnaha guddiga soo xulista Baarlamanaka oo maanta diiday in ay hor tagaan maxkamadda sare si wax looga waydiiyo xubno loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub.
Guddoomiyaha maxkamadda sare Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf oo ka saxaafadda kula hadlay xarunta maxkamadda ayaa waxa uu sheegay in ay si toos ah iyo si dadbanba ugu sheegeen guddiga farsamada balse ay diideen in ay imaadaan xarunta maxkamadda.
Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf waxa uu intaasi ku daray in haddii ay guddiga xarunta maxkamadda kusoo xaadiri waayaan ugu dambeyn maalinta berri ee Isniinta 10-ka subaxnimo ama afar saac in laga qaadan doonaa go’aan, waxaana arrinta go’aan cad ka qaadan doonta maxkamadda sida uu hadalka u dhigay.
“Nimankii waan u sheegnay, waana u tagnay wayna diideen in ay hor imaadaan maxkamadda oo ay soo bandhigaan waxay ku haystaan raggaan ay u diideen in ay kamid noqdaan Baarlamaanka, sidaasi darteed waxaan u sheegaynaa in ay berri yimaadaan afarta saac ee subaxnimo, haddii kale go’aan cad ayey maxkamaddu gaari doontaa”, ayuu yiri Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf.
Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka ayaa horay u diiday maanta in ay hor tagaan maxkamadda, waxayna sheegeen in wakjhtigoodu caawa ku eg yahay isla markaan aysan waxba ka khusayn arrinta maxkamadda waddo.
Xalay ayey ahayd markii Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in arrinta ku aadan xubnaha buuxin waayey shuruudaha kamid noqoshada Baarlamaanka ay go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka.
Sikastaba arrintu ha ahaatee arintan ayaa wada u furaysa Kooxda had iyo jeer Dalka Galiya Isqabqabsi kuwaas oo uu ugu hoeeyo Cabdiraxman Faroole, waxa ay quudaraynayaan in had iyo jeer ay Is jiid jiidka uu u furo Albaabka ay ku helaan Sadbuursiga. Waxaa la eegayaa Talabada uu Calamku ka qaato Arintan.
Kalasoco Wixii kasoo kordha Warbaahinta codka Shacabka Allssc
Allssc News Desk Muqdisho
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=38995












