Deg Deg: List Xildhibaano Been Abuur U Badan Oo Warbaahinta ay Ku Faafiyeen Qaar Kamida Gudiga Farsamada
Muqdisho(Allssc): Waxa Habeenimada badalan jawigan magaalada Muqdisho, waxaa sareeya isu socodka Gaadiidka wadda Madaxda Dowalda KMG,Madax Dhaqameedka ,Siyaasiyiinta. Dhaqa dhaqaaqan Habeenimada caawa ah ayaa lagu sheegay kadib markii Gudiga Farsaamada Eegista Xildhibaanada Cusub oo iyagu hore loo afgaran la’aa qaabka ay wax u wadaan ay caawa soo saareen List magacyo ah kuwaas oo wali ay ku jiraan Magacyo muran weyn ka taganyahay sidoo kale waxa ay ka tageen list Beelaha somaliyeed u gudbiyeen kuwaas oo aan la garanayn sababta ay Gudiga u haystaan.
Gudiga Farsamada ayaa maanta la siiyay qaabka ay u shaqaynayaan waxa Shir Saxaafadeed wada qabtay ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qabilsan Arimaha Somalia Mahiga iyo Madaxweynaha Dalka somalia Shiikh Shariif waxayna Shir Saxafadeedkoda tilmaamayay ina Gudiga Farsamada ku ekaadana shaqada loo igmaday. gudiga Farsamada oo iyagu dhabarka ay ka taabteen Shariif Hasan “Sakiin” iyo C/wali gaas ayaa la sheegay si ay buuq ka abuuraan inay ku talaabsadeen arimo fowdaynaya habsami u socodka Wakhtiga kala guurka ah.
Magacyada cusub ee xildhibaanada oo dhamaystiran ayaa loo balansanaa in si wadajira loogu dhawaaqo maalinta bari ah balse waxaa qorshaha badlay kadib markii laaluush xoogleh ay qaateen Gudiga Farsamada ee eegista xildhibaadana cusub kuwaas oo Habenimada caawa ah ku dhawaaqay Magacyo muranweyn ka taaganyahay.
Wixii kasoo kordha kalasoco Warbaahinta Allssc
Maxamed Wali Muqdisho
Allssc Office Muqdisho Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37881












