Deg Deg: Guddiga Doorashada oo ku Dhawaaqay Xilliga la Dooranaayo Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho ( AllSSC-News ):- Sidii aan horay idiinku sheegtay waxaa guriga golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka socda kulanka guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waana 10-ka bisha soo socota ee September.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in berri laga bilaabo ilaa 6-da bisha September ay socon doonto diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Qabashada xilka Madxaweynaha Soomaaliya ayaa waxa au taagan musharaxiin badan balse la arki doonee kan noqda Madaxweynaha dalka ee shaqayn doona afarta sano ee soo socota.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Short URL: http://allssc.com/?p=39499












