Deegamada Hoos Taga Buuhoodle Oo Wali Laga Uruurinayo Meydad Shacabkii Reer Buuhoodle Ee Ku Geeriyoodey Dagaalo Laga Joogo Ilaa Mudo Dhan 5bilood(Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Yadoo ay maalintii shalay ahayd ciidamada SNM iskaga caraabeen goobihii bartilaameedka u ahaa ee ay markaasi fadhiyeen taliska Ciidankoodu, Ayaa maanta waxaa goobahaasi kasocdey baadhitaan balaadhan oo ay shacabkii reer Buuhoodle ka baadhayeen Mujaahidiin yaga meydkoodii la waayey xiliyadii ay dgaaladu dhexmarayeen shacabka magaalada buuhoodle iyo ciidamada maamulka Hargeisa ee Sonaliland.
Hadaba baadhitaankan kadib ayaa waxaa la helay tiro dhoor shikhsi oo markaasi laga helay meydadkoodii goobahii ay rugta u ahayd ciidamada maamulka Somaliland ee Hargeisa, Yadoo ay ka noqotey arrinkani wax layaaba gudaha magaalada Buuhoodle, Isla markaana ay shacabka iyo maamulkuba layaabanaayeen ciidamadan sida xaqdarada ah ugu sugnaa deeganaadadan hadan dugsanayay meeydad dad Islaam oo ay waliba gacantooda ku dileen.
Sikastaba ha ahaatee shacabka ayaa fikirado badan isweydaarsanaya, Yadoo dadka qaarna ayba leeyihiin laga yaabo in ay wax nabadi ka dhex dhacdo shacabka reer Buuhoodle iyo maamulka SNM inta ay xaqiiqadu sidan tahay ma ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolada SSC.
Hadaba arinkan ayaa noqonaya mid xuquuqul insaanka ka baxsan, Yadoo diinta islaamkuna sheegayso inaan sidani banaaneyn, sidoo kale sharciyada caalamkuna sheegayaan in arinka noocan oo kale ahi kamid yahay nooc kamida Xasuuqa bini aadamka.
Gabagabadii saacad kahor afuradii ayaa maanta lagu Aasey baliga Shangale qaar ka mida Mujaahidiintii ku dhintey dagaaladii dhex marey maamulka Somaliland iyo Shacabka reer Buuhoodle mudo laga joogo ilaa 5bilood kahor, Yadoo meydad kana laga helay goobo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Somaliland isla markaana Talis u ahayd.
Goor dhow kala soco Video ga Meydadka laga helay goobihii talisyada u ahay ciidamada Somaliland ee u dhoweyd degaanka Sooljoogto.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111
Buuhoodle G/Cayn 
Short URL: http://allssc.com/?p=37472




















