C/fataax Sabriye Isuduwaha Xafiiska Ra’isal wasaar Gaas Oo Shaqada Xafiiska Ka Ruqsaystay Kadib Markii Uu U Adkaysan Waayay Qabyaalada Qawan Ee C/wali Gaas (Warbixin Hoose).
Muqdisho(Allssc): Cabdifitaax Sabriye oo ka mid ahaa howl-wadeenada xafiiska R/wasaare C/weli Gaas ayaa xiriir uu Saxaafada la sameeyey wuxuu sheegay in shaqada xafiiska R/wasaaraha uu si shaqsi ah uga ruqseystay, kadib markuu u adkeysan waayey wax uu ku tilmaamay hab dhaqanka Qabyaaladda huwan ee R/wasaare C/weli uu ku dhaqmo, wuxuuna xusay in ay hubaal tahay haddii C/weli uu jagada madaxweynenimada ku guuleysto uu sii laba-jibaari doono ku dhaqanka qabyaaladda.
C/fitaax wuxuu sheegay inuu la soo shaqeeyey R/wasaarayaashii isaga ka horreeyey laga soo billaabo Nuur Cadde, Cumar C/rashiid ilaa Farmaajo, wuxuuna xusay in C/weli uu kaga duwan yahay madaxdaasi in ku dhaqanka qabyaaladda ay ku weyn tahay.
“Nin kasta oo madax u noqdo Soomaaliya waxey noqotay wax iska caadi ah inuu qabiilkiisa isku gadaamo, balse C/weli tiisa qabyaalad waa ka gudubtay, Soomaaliya hadduu madax ka noqdana waxaan hubaa in ay isaga qaldami doonto Puntland & Soomaali inteeda kale, nin kasta oo Soomaaliya madax ka noqdo waa kaga dheereeyaa ku dhaqanka qabyaaladda” ayuu yiri C/fitaax, wuxuuna intaa ku daray ;Xafiiskiisa waxaa ka shaqeeya 93 qofood 81 waa Majeerteen sooc ah, 76 ka mid ah waa jufada Cumar Max’uud, dadkaas waxaa ku jira xildhibaano la shaqaaleysiiyey oo xafiiska shaqeeya”.
C/fitaax wuxuu sheegay in waxyaabaha soo dedejinaya fashilka C/weli ay ugu horreyso in aysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya wasiirada halbowlaha u ah xukuumadiisa.
“Inaba hala ekaatee wax wada-shaqeyn ah kalama dhexeeyso wasiiradda muhiimka ah sida wasiirka gaashaandhiga, maaliyadda, arrimaha gudaha & taliyeyaasha ciidamada milateriga, booliska, nabadgsugida, & garsoorka” ayuu yiri C/fitaax.
Maxamed Wali Muqdisho
Allssc Offcie Muqdisho Soamalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37644












