Beesha Warsangali Oo Sida Fiinta Uga Qaylisay Faralagalinta Faroole Iyo Cabdiwali Gaas (Daawo Maqal Muuqaal).
Muqdisho(Allssc): Iyadoo magaalada Muqdisho shalay lagu ansixiyey Dastuurka Jajuubka ah ee Mahiiga Allifay, ayaa ergada halkaa ku sugan waxa soo food saartay arrin caga juglayn iyo gacan ku qabasho ah, arrintuna waxay daarran tahay sidii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlammaanka KMG uga mid noqonaya beel walba. Arrintan oo Mahiiga laftiisu ka qayliyey, ayaa waxa ugu cad cad caga juglaynta iyo afduubka beelaha qaar lagu hayo, C/Raxmaan Faroole oo isagu la soo taagan dadka u geliya baarlammaanka Gobollada Sanaag, Haylaan, iwm, in kuwa isagu raalli ka yahay uu geysto, isagoo isticmaalaya isimo aan ahaynsoo jireen una dhega nugul Faroole. Arrintan ayaa hore waxa ugu fashilmay isku day noocaas oo kale ah AHN Cabdullaahi Yuusuf, ka dib markii Shirkii Embaghathi ee 2004-tii sidaa si la mida uu ugu gooddiyey inuu isagu magcaabayo xubnaha baarlammaanka gobolladaas, hase ahaatee dad ka soo jeeda gobolladaas ayaa jilibka u dhigay isagoo loo sheegay inuu ku ekaado magcaabidda xubnaha beeshiisa Majeerteen oo qudha.
Waxa ayaan darra ah iyadoo gobollada Maakhir sidii hoogayaashu hore ugu horkici jireen loo xooray 5 kursi, oo weliba laba ka mida hore Qarammada Midoobey u qoondaysay xildhibaannadii ka soo horjeestay damacii C/lahi Yuusuf ee 2004-tii. Maantana tiibaa taagan, waxa ku sugan magaalada Muqdisho Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Cabdullaahi Cali Ciid, Ina Cartan iyo isimmo kale oo beesha Warsangeli ka soo jeeda. Sida la xaqiijiyey mid walba wuxuu gudbistay liis xildhibaanno isagu soo xushay, waxayna noqotay riwaayadaha ugu qosolka badan ee laga maadaysto golayaasha dawladda tamarta daran ee KMG.
Waxa xusid mudan in Faroole oo isbiday awood, inuu sidii oday C/Cabdullaahi rabo inuu duudsiyo ummaddaa xaqeeda, isagoo raba inuu u yeedhiyo isagu kuwa uu rabo, halka uu si cad dagaal hoose ugu wado dadka wax ku oolka ah ee gobolladaas ka soo jeeda, ahaana kuwii u heellanaa difaacidda iyo aaya soorka ummaddaa ay metelaan. Mid ka mida Suldaammada meesha jooga ayaa laga soo sheegay, ‘Xildhibaannada ugu cadcad ee shacabku rabaan, qaar waxa diiddan Madaxda dalka…” wuxu k wadey, Faroole, Shariif, Sakiin, Cabdiweli iyo boqorkooda Mahiiga.
Sida la wada ogyahay waxa soo baxaya in isimmada beesha goobta u jooga ay noqdeen kuwa jeebka ugu jiro shakhsiyaad qayrkooda, kuwaasoo ah kuwa dib iyo horaba u curyaamiyey horumarka iyo aaya ka tashiga gobolladaas. Waxa durba la isla dha isku haystoex marayaa in shantii kursi la isku haysto.
Waxgradka gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa hore uga digay in wax isdaba marin ah lagu sameeyo xulidda xubnaha baarlammaanka u gelaya DKMG, iyadoo laga amba qaadayo in karti, hufnaan, iyo aqoon wax lagu soo xulo. Arrintaa ayaa madmadow badani hadheeyey illaa iyo hadda.
Halkan Ka Daawo
Xigasho Laasqoray Online
Short URL: http://allssc.com/?p=36707












