Ban Ki Moon Muxuu Ka Yidhi Arimaha Somaliya Iyo Xulista Xildhibaanada Cusub (Warbixin Sugan).
New York: (Allssc) Ban Ki Moon ayaa ugu baaqay Dowladda KMG Soomaaliya inay dar dar galliso dhismaha Xubnaha barlamanka islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaba gabeeyo, isagoo hoosta ka xariiqay in odayada dhaqanka beelaha soomaliyeed ay tahay in aan laggu faragalin xulista xildhibaanada ayagana waa in sida sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhameystiraan. waxaa meeshaa toosh lagu ifiyey siyaasiyeen sida faroole oo kale iyo Xubno kale oo qaswadayaal ah ee caqabad ku noqon doonto geeddi socodka nabadda Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka digay qalaalsel dhinaca ammaanka oo soo food saara Dowladda KMG Soomaaliya inta lagu guda jiro Xilliga Kalaguurka ah iyo doorashada la fillayo in 20-ka bishan August ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Xogaha guud ee QM ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in QM iyo beesha Caalamka ay il gooni ah ku hayaan Xubnaha, shaqsiyaadka iyo Kooxaha ku mashquulsan carqaladeynta doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xusay inay isha ku hayaan islamarkaana ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ka jira dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in 20-ka Augusta la helo dowlad leh midnimo qaran oo soo celisa ammaanka iyo kala dambeynta.
Waxaa xusid mudan gaar ahaan in ay u tahay jawaab waraaqdii odayda dhaqanka khatumo state of somalia ay direen Ban Ki Mon kana codsanayeen in uu faraha ka laabto qaswade faroole iyo mahiga hawsha beesha dhulbahante iyo xulitaanka xildhibaanadiisa asagoo ku dhuumanaya horgoladiisii.Tani waxeey guul u noqoneeysaa shicibka khatumo state fadeexad iyo guul daro faroole iyo horgaladiisa.
Tuesday, August 14, 2012
UNITED NATIONS, Aug 13, 2012 (AFP) – UN Secretary-General Ban Ki-moon warned Tuesday that “intimidation and violence” could threaten the selection of a Somali parliament before a looming deadline, his spokesman said.
Ban highlighted a threat by the UN Security Council to take measures against any group or individual who undermines the stumbling reconciliation process in Somalia, which has not had a stable government in more than two decades.
“He calls upon the Somali political leadership, the traditional Elders and other parties to rise above their differences and to act in the best interest of the Somali people,” Nesirky said.
Ban said “the work of the Elders must proceed in a manner free from intimidation, coercion and corruption.” A technical committee also working on the parliament selection must also “be allowed to perform its duties independently and impartially, without fear of reprisal,” added Nesirky.
Somalia’s transitional government has been propped up by an African Union force of more than 15,000 troops who are battling Shebab Islamist militants. Somalia is also plagued by piracy and widespread crime.
Short URL: http://allssc.com/?p=37663












