Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Baaq Ka Socda Maamulka Khaatumo State Of Somalia, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Guddaha:- maxamud Sheekh Cumar(Akhriso)

Kusocota: Isimada Somaliyeed Ee Baarlamaanka Somalia Xulaya

Ujeedo: Baaq

UGU HOREYN WAXAAN SI BUUXDA UTAAGEEREYNAA UNA SOO DHAWEYNEYNAA DASTUURKA UMADA SOMALIYED LOO ANSIXIYEY.

Waxaan halkan si xushmad leh ugu baaqeynaa isimada somaliyeed ee u xilsaaran inay soo xulaan Baarlamaanka Somalia.

Waxaan u sheegeynaa in ay xusuus naadaan, inay gacanta ku hayaan Mustaqbalkii iyo Aayahii umada Somaliyeed,Sida ay ka yeelaana ay noqon doonto umada Somaliyeed, Sidaas darteed waxaan si karaamo leh uga codsaneynaa inay beelaha si cadaalada wax ugu qeybiyaan, Kuna xushaan xubnaha ay dooranayaan Aqoon,Karti Iyo Somalinimo.

Gaar ahaan isimada reer Khaatumo State ee howshan u xilsaaran, Waxaan usoo jeedineynaa inay si gaara oo taxader leh oo aan cid jecleysi lahayn ay u xulaan xubnaha baarlamanka u galaya umada reer Khaatumo State, Sida wax u qeybinta beelaha iyo aqoonta shikhsiyeedba.

Ugu danbeyntii idinka oo iga raali ah si guudba wixii wanaaga ee ay la timaado iyo wixii dhaliil ah ee ay la timaadaba idinkaa leh umada somaliyedna idinka sugeysaa.

 

Asalaamu Caleykum Waraxmatullah

Wabillaahi Towfiiq

Agaasimaha Wasaarada Arimaha
Gudaha Ee Maamul Goboledka Khaatumo State
Maxamud Sheekh Cumar

 

Short URL: http://allssc.com/?p=36483

Posted by on Aug 4 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery