Hayada KPDF Oo Heshay Waraaqdii Faroole U Qoray Silaanyo Ee Lagu Qaabilay Cadowtoosiye (X Xagalatoosiye) Heshiiskii Shimbirayahow Heesana Lagula Galay SNM.
Allssc; Waxaa shabakada codka shacabka Allssc.com soo gaadhay waraaq heshiis laba geesooda ay isugu gudbinayaan jahada SNM iyo Horjoogaha maamulka Garoowe Faroole(fitnoole). Waraaqdan oo ay nuqulkeeda ku guulaysatay hayada KPDF (Khaatumo Peace and Development Foundation) oo xarunteedu tahay magaaada Washington DC. Waraaqdan oo xambaarsan heshiis laba gessood ah oo loo isticmaalayo inuu fuliyo Hogaamiyihii hore ee SSC oo sida la wada ogyahay caqligii Ceelka kaga dhacday Ee Cadowtoosiye(X- Xaglatoosiye). Waxaa Faroole u sheegay dhigiisa SNM inuu Cadowtoosiye kala shaqeeyo sidii Khaatumo loo baa’bi’in lahaa iyadoo laga bilaabayo wax loogu yeedhay gogol nabadeed oo Siilaanyo kula baxayey marycalastiisii Suulalmadowda ee milicdu/qoraxdu ku laysay Sooljoogto iyo Maygaagle. Ciidamadan oo Siilaanyo damacsanyahay inuu u isticmaalo beelaha kale ee SNM ee xukuumadiisa saluugsan, kacdoonkana maagan.
Hayada KPDF waxay cambaareyn dusha uga tuuraysaa Faroole fitnoole iyo Hoosgalada hoos jiifa ee uu ugu horeeyo Cabdisamad Cali Shire (Shisheeye Xasuuq) oo maata magaaldiisii uu kasoo jeeday ee (Taleex) nuurka yar ee u baxaya in laga dumiyo ku bedeshay guriga berendad weyne ee Garoowe ku yaal. Hayada KPDF waxay uga digeysaa shacabka Khaatumo ee xalaasha ah inay iska jiraan Xaglatoosiye oo maleegaya shirqool looga soo meeriyey Garoowe iyo Hargeysa.
Allssc@allssc.com

Madaxwayne Faroole Oo Madaxwayne Siilaanyo U Soo Diray Warqad Sir Ah Oo Uu Kaga Dalbanayo Inay Iska Kaashadaan Baa’biinta Maleeshiyaadka Khaatumo Iyo Arimo Kale
Garoowe(Ramaas) Aug 22,2012 – Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Madaxwaynaha Somaliland ka dalbaday inay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.
Qoraal sir ah oo lagu baahiyey baraha Internet-ka qaarkood ayaa lagu sheegay in Madaxwayne Faroole Madaxwaynaha Somaliland warqad uu kaga tallo bixinayo sida la iskaga kaashanayo kooxda Khaatumo uu ugu soo dhiibay hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), taasi oo uu gaadhsiiyay markii uu Hargeysa yimid dhawaan.
Warqada Madaxweyne Faroole Axmed Siilaanyo u soo diray ayaa lagu sheegay in kooxda Khaatumo Fad-qalalo siyaasadeed iyo amni daro ka abuurtay xuduuda labada dhinac ku muransanyihiin ee Buuhoodle iyo Sool isla-markaana lagu xusay afar qodob oo muhiim u ah bur-burinta Khaatumo iyo qaabka ay Somaliland iyo Puntland ku xalinayaan Khilaafka dhul ee mudada dheer ka dhex aloosnaa, ayaan lahayn wax Tix-raac Taariikheed ah, hase ahaatee waxa ku suntan astaanta Madaxtooyada Puntland.
Qoraalka Faroole u soo diray Madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu bilaabay sidan:
Ujeedo: tallo Bixin
Madaxweynaha Somaliland
Md Madaxweyne, siddaad la socoto waxa deegaamada Beesha Dhulbahante Maleeshiyo Beeleed hubaysan oo la magac baxday Khaatumo , taasoo ay hogaaminayaan Siyaasiyiin iyo isimo Dibad wareeg ah kuwaasoo taakulo ka helaya Sheekh. Shariif, taakuladaasoo ku salaysan Ololihiisa siyaasadeed ee Madaxtinimada Somaliya, una balan qaaday inay ka madaxbanaanaan doonaan Somaliland iyo Puntland, sidaa darteed si aynu uga hortagno xaalada nabad-gelyo xumo ee ay wadaan Kooxdaasi Khaatumo.
Tallo soo jeedin arimahaasi.
1- In ay labada dawladood ee Puntland iyo Somaliland si wada jar ay wax uga qabano khatarka ka soo fool leh kooxdaasi
2- In Garabkii SSC ee uu hogaaminayo Saleban Ciise Axmed iyo Xukuumadda Somaliland ka wada shaqeeyaan dhamaystirka dhibaatada degmada Buuhoodle, ninkaasoo mudnaan siyaasadeed ku leh deegaankaasi, lagana wada tashado xaalada deegaanka si buuxda.
3- In Maamulka Puntland soo afjaro Maamulka Taleex ee Khaatumo wax kasta oo ay ku qaadanayso inta ka horaysa 20/08/2012.
4- In laga wada hadalo in wixii Khilaafaad ah ee ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland wada hadal lagu dhameeyo.
Short URL: http://allssc.com/?p=38369














Saxeexa warqaddan ku yaalla hubaal waa kii Faroole ilaa 30 sano isticxmaali jirey. Qofku marka nacayb iyo cuqdadi maal ku noqoto,qafal xumo iyo falal laga yaabo buu ku kacaa.
AADAN AYAN UGA XUMAHAY IN MAANTA FAROOLE ISKU DAYO INUU IIBSADO DHULKA KHAATUMO LKN MAAHAN MID DHACAYSO ,WAY RIYOONAYAAN .
Habar dhali wayday aleelo ku waalatay’ Cayda iyo aflagaadu waa xagiina kuwiinan Khaatumo seega ahi