Safarada Somalia Ee South Sudan Oo Lagu Wareejiyay Tahriibayaal Somaliyeed Oo Lagasii Daayay Xabsiyada Koonfurta Sudan (Daawo Sawiro).
Muqdisho(Allssc): Safaarada Soomaaliya ee wadanka koonfurta Suudaan ayaa ku guuleysatay in ay xabsiga ka soo saarto dhalinyaro Soomaali ah ku waasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada wadanka koonfurta Suudaan xili ay doonayeen in ka gudbaan xadka wadmada Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.
Dhalinyaradaan oo ay tiradoodu gaareysay ilaa iyo 12 dhalinyaro ah ayaa waxa ay mudo 17 maalin ah ku jireen xabsi ku yaala magaalo lagu magacaabo Malakaal, waxeyna dadaal dheer ah oo ay sameeysay safaarada Soomaaliya ku guuleysatay in ay xabsiga kasoo deyso dhalinyaradaasi.
Safiirka Soomaaliya ee wadanka koonfurta Suudaan Ambasador C/raxmaan Nuur Maxamad “Diinaari” iyo xoghayaha safaarada Shaafici Nuur calas ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in xariiro badan oo ay la sameeyeen mas’uuliinta wadanka ay ku guuleystaan dhalinyaradaan safaarada lagu soo wareejiyo.
Maxamed Wali Muqdisho
Allssc Office Muqdisho Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@allssc.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37266






















