Wasiirkii Hore Ganacsiga Soomaaliya Oo Ku Geeriyooday Qarixii Ka Dhacay Xamaweyne
Muqdisho(Allssc)Warar hadda na soo gaadhaya ayaa sheegaya in qarax saacad ka hor ka dhacay suuqa bacaadlaha ee Xamarweyne ee magaalada Muqdisho in uu ku dhintay wasiirkii hore ganacsiga Soomaaliya, gaar ahaan xukuumadii Farmaajo Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne.
Wararka ayaa intaas waxa uu ku darayaa in gaariga la qarxiyay uu saarnaa Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne, uuna isaga kaligiis uu ku dhintay, waxana la sheegay qaraxa in uu ahaa mid lagu rakibay gaariga uu la socday marxuum Garweyne.
Ma jiro faah-faahin kale, waxana meesha hadda ku sugan ciidamada nabad-sugida iyadoo la soo sheegayo in baaritaano ay ka socdaan goobta uu qaraxa ka dhacay, waxana meesha soo gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda.
Allaha u naxariistee Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa dowladii Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake ka soo noqday wasiirka bini-aadanimada iyo dib u dejinta iyo Waxbarashadda ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.
Waxa uu ahaa wasiirka kaliye ee ku jiray xukuumada Tayo ee uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxana uu markii hore ahaa shaqsiyaadka fara kutiska ee aan dalka kabixin isla markaana 21-sanno ku sugnaa Muqdisho, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa howlwadeena wax-barashadda Soomaaliya.
Maxamed Wali
Allssc Muqdisho
Short URL: http://allssc.com/?p=34165












