Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Haweenka Oo kulan Ku Yeeshay Muqdisho Oo Dowladda Iyo Odayaasha Ugu Baaqay Inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka(Warbixin)

 Kulan ay haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga dalbanayaan DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka inay tixigeliyaan saamiga ay ku leeyihiin dowladda ee 30% ah.

Haweenkan ayaa waxay soo dhaweeyeen horumarka laga gaaray geedi socodka looga baxayo xilliga KMG ah, iyagoo ku boorriyay madaxda dowladda in muddada yar ee u harsan ay ku dhameystiraan howlaha horyaalla.

Kulanka haweenka ayaa waxaa kasoo baxay afar qodob oo kala ahaa:

1. Waxaan u soo jeedinaynaa dowladda KMG Soomaaliya inay tixgeliso heshiisyadii Garoowe iyo dhammaan heshiiyadii kale, kuwaasoo si cad u qeexayay doorka haweenka ee ka qayb-qaadashada siyaasadda dalka isla markaana la dhawro saamiga loo qoondeeyay inay dumarku ku yeeshaan oo 30% ahayd.

2. Waxaan ugu baaqeynaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay tixgeliyaan saamiga haweenka ee ku aaddan ka qayb-qaadashada ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka cusub.

3. Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa saxiixayaasha Roadmap-ka inay ilaaliyaan heshiisyadii Garoowe II iyo dhammaan kuwii kale, sidii ay ku saxiiseen khaasatan saamiga haweenka.

4. Waxaan sidoo kale baaq u diraynaa beesha caalamka kaasoo ah inay xaqiijiyaan hirgalinta heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhawrayay xuquuqda dumarka ee ku aaddan qayb-galka siyaasadda dalka.

Ugu dambeyn, haweenkii kulankaas isugu yimid ayaa waxay isku raaceen inay difaacdaan xuquudooda, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka ka saaran dalkooda.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=34550

Posted by on Jul 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery