War Hada naga Soogaadhay Xarunta Uu Ka Socdo Shirka Ansixinta Dastuurka Oo La Sheegayo In Haweenkii Ka Qayb Galay Ay Gabi Ahaanba Dibada Uga Baxeen
Wararka aan ka helayno Xarunta shirka ansixinta Dastuurka ayaa sheegaya in halkaasi ay gabi ahaanba ay isaga baxeen haweenkii ka qeyb galayay shirka ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Sida uu noosheegay mas ul kusugan halka uu ka socdo shirka xarunta haweenkii ka qeyb galayay shirkaasi maalmahan ka socday magaalada ayaa waxay u baxeen sabab la xiriirta baarlamaanka oo la sheegay inay ka waayeen xubnihii ay ku lahaayeen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hawenka ay ka rajo dhigeen markii ay waayeen saamigii ay ku lahayeen baarlamaanka cusub.
Dhawaanahaan waxaa la shaaciyay in haweenka baarlamaanka cusub ay ku leeyihiin 30%.
Dhanka kale Ergada ansixinta dastuurka ayaa la sheegay in goordhow ay soo gubdiyeen dastuur sidaasina ay ka dhigan tahay in la ansixinayso.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ergada ay si hoose u qorteen waxyaabaha dastuurka ay ku dhaliilayaan,kuwaasi oo ay gubdin doonaan baarlamaanka cusub si uu usii ansixin doonaan.
Naaji@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=36130












