Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

War Deg Deg Ah:-Xil Lakala Wareegidii Madaxda Maamulka Khaatumo State Oo Hada Ka Socota Magaalada Taleex.(Live Ula Soco)

Buuhoodle(Allssc)Xil Wareejintii xiliga kala guurka maamulka Khaatumo State 6bilood ee lasoo dhaafey hada ka socota magaalada Taleex,Yadoo Halkaasi ay xilka kula kala wareegayaan labada madaxweyne ee Axmed Cisman Cilmi Oo Ahaa Madaxweynahii heerka koobaad ee Golaha Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State, Iyo Madax weynaha hada xilka la wareegaya oo ah Maxamed Yuusuf Jaamaca Halac.

Hadaba sida wararka hordhaca ahi nagu soo gaadhayaan munaasibada xilka lagu kala wareejinayo ayaa ah mid si heer qaran ah loo soo agaasimay, Yadoo halkaasi ay kasoo qeyb galeen dhamaan Madaxda,Waxgarad,Cuqaal,Isimo,ururada Bulshada Iyo Marti aad u fara badan, Waxay munaasibadu u socotaa si heer qaran ah.

Waxaa sidoo kale halkaasi iskugu yimid Madaxda maamulka Khaatumo State, Wasiiro fara badan iyo Xubanaha gobolka Sool ee magaalada Taleex markaasi ku sugnaa ee Maamulka Khaatumo State.

hagaag waxaan akhristayaasha la socod siinaynaa wararka dabe inaan si Live ah ugu soo deyn doono Munaasibadaa Xil kala wareega ee maamulka Khaatumo State ee Taleex ka Socota, Yadoo halkaasi uu noo joogo Wariyahaga oo hada ku sugan Munaasibada Yuusuf Dheere.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=35101

Posted by on Jul 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery