War Deg Deg Ah:-Weriye Ka Tirsan Telefishinka Universal Oo Goor Dhaweyd Lagu Dhaawacay Muqdisho.

Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaaral) oo ka tirsanaa wariyeyaasha u shaqeeya Telefishinka Universal ayaa kooxo hubeysan ay goor dhoweyd dhaawac ugu geysteen magaalada Muqdisho.

Sida uu warbaahinta u sheegay Wariye maxamed maxamuud Timacade oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Telefishinka Universal xaruntiisa Muqdisho waxaa wariye C/qaadir Kuwaaral la dhaawacay xili uu ku nasanayey jardiin ku yaala albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayadoo ay dhaawaca u geysteen laba nin oo bastoolado ku hubeysan.

Dhaawaca wariyaha ayaa hada waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayadoo dhakhaatiirtuna ay ku howlan yihiin dabiibidiisa.

Shabakada Wararka Allssc.com
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn

Like!
0
admin
admin has written 1159 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>