Wakiilka Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga Ayaa Sheegay Inuu Rajo Weyn Ka Qabo, In Mudadda Ka Dhiman Xilliga Kala Guurka Soomaaliya Ay Ku Dhamaato Siddii La Rabay.
Danjire Mahiiga ayaa warqad uu u diray qurba joogta Soomaalida sheegay in Soomaaliya ay wax badan iska badashay, oo ay ka mid tahay xagga ammaanka, wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, islamarkaana ay ku dhow yihiin qabsashada magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ah magaallo ay ku xooggan yihiin Ururka AL-Shabaab.
Danjire Mahiiga ayaa sidoo kale sheegay in ka hor 20-August ay dowladda dhaqan galin doonto wax-yaabaha u dhiman oo ay ka mid tahay in la ansixiyo dastuurka Soomaaliya, oo uu sheegay in lagala kaashaday quburo ka socda wadamada Islaamka sida Bangaladesh iyo Afghanistan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shirar badan loo qabtay Soomaalida oo uu ka mid yahay midkii ugu dambeeyay bishii June ka dhacay magaalada Nairobi, iyo kuwa kale oo ka dhacay Magaalooyinka London, Istanbul, Addis Ababa, Nairobi iyo Roma, kuwaas oo ahaa ayuu yiri kuwa fariimo loogu diraayay beesha caalamka si ay gacan uga geestaan xaaladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shirka ugu dambeeyo uu dhici doonoo bartamaha bishan kaa oo noqon doona midkii lagu ansixin lahaa dastuurka dalka.
Naaji@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=33607












