Shirka Ansixinta Dastuurka oo arrimo farsamo maanta dib ugu dhacay
Mugdisho(Allssc)Shirka Ansixinta Dastuurka ee ka socday Xarunta School Polizio ayaa hakad u galay arrimo farsamo, iyadoo maanta lagu waday in maalintii saddexaad ay kulamo yeeshaan Xubnaha Ergooyinka ee ka qeyb galaya shirka lagu ansixinayo Dastuurka.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in saaka 9-ka subaxnimo ilaa shan saac ay shiraan Gudiyo loo kala qeybiyay ergooyinka, isla markaana labo saacadood ay shiraan, kadibna ay khudbaha jimcaha u dareeraan.
“Saaka howl aad u yar ayaa u taalay ergooyinka, waxaa sameynay in sagaalka subaxnimo in la soo xaadiro, kadibna labo saac la shiro, lana kala dareero, waxaa dhacday Cilad Farsamo oo xaga Computer oo noqday Down, maadaam labo saac la jooga asigana hada waa la fasaxay, berri subax ayuu bilaabanaya, wax kale ma jiraan”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Mar uu ka hadlay Madfac xalay ku soo dhacay meel ka fog Xarunta uu shirka ka socda ayuu sheegay in aanu wax qasaare ah geysan, isagoo xusay in aanu shirka wax hakad gelin doonin, isla markaana ammaanka uu yahay mid la adkeeyay.
Saaka waabarigii ayay aheyd markii uu qarax ka dhacay meel ku dhow Bar koontaroolada laga sugo ammaanka xarunta School Polizio, kaasoo aan wax qasaare ah geysan.
Shirka Ansixinta Dastuurka ayaa furmay arbacadii la soo dhaafay, iyadoo qorshaha yahay in muddo sagaal cisho ah inuu socdo, waxaana maanta ay aheyd in maalintii saddexaad uu shirka galo.
Allssc News Desk/Online
hiirad@allssc.com
Mugdisho,Somalia
Short URL: http://allssc.com/?p=35652












