Shacabka Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag Iyo Waxgaradka Oo Ka Hadlay Warkii Khaladka Ahaa Ee Ka Baxay Tvga Universal Iyo Taariikhda Wariyaha Horgalaha U Ah Maamulka SNM (Dhageyso Wareysi)
Buuhoodle(Allssc)Shacabka magaalada Ceerigaabo Oo Afkaartooda Usoo gudbiyey Shabakada Wararka Allssc ayaa soo bandhigey, Dareenkooda ku aadan Warka Khaldan Ama Beer abuurka ah ee lagu Fadeexadeynayo Maamulka Khaatumo State Of Somali.
Waxgaradka,Ganacsatada,Cuqaasha ,Isimada Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, Ayaa maanta wada yeeshay kulan balaadhan oo lagu dhaleecaynayo Tvga Universal, Yadoo Habeenkii xalay ahaa uu Tv ga Universal Sii daayay War been abuur ah oo waxba kamajiraana, Warkaas oo ay Horgalada Maamulka SNM iyo Horgalada Tvga Universal iska kaashanayeen, Fadeexadeynta maamulka Khaatumo State Of Somalia.
Maxay Yeeli Kartaa Arrinkani Maamulka Khaatumo State?
Waxaynu wada ognahay maamulka Khaatumo inuu yahay maamul Ugub ah, Isla markaana cadowgiisu badan yahay, Hadaba dadka Reer Khaatumo State meelkasta oo ay joogaan waa kuwo u feejigan dhibaatooyinka cadowgoodu ku hayo, Arrinkana waxba ma yeeli karo Umada reer Khaatumo State, Waana Kuwo u dhaga nugul Cadowgooda waxkastana ka filanaya in cadowgu kula kacayo.
Waakuma Wariyaha Horgalaha U ah Maamulka Hargeisa Ee Tvga Universal ka Howl Gala?
Waa wiil Habari Keentoon La Hubin Adoogii, Weriyaha ka howl gala Tvga Universal ee magaalada Laascaanood ayaa waxa laga sheegayaa inuu yahay mid inta badan la shaqeeya maamulka SNM isla markaana u adeega Ciidamada markaasi sida Xaqdarada ah ku haysta magaalada Laascaanood.
Miyaan Dhiig Ku Jirin Wariyahan Horgalaha U Ah SNM Mahad Canbaashe Iyo Maamulka SNM?????
Waxaa ay wararka qaar nagu soo gaadheysaa in wariyahani leeyahay, Balwada ugu xun xun ee ay isticmaalaan dadka Dragstaha ah. Yadoo ay jirto sida aynu ka wada war qabno ruuxu hadii uu yahay muqaadiriste in wax kastaaba ka suurtoobaan, Danta Dhulkiisa Ta Reerkooda, Ta Qarankooda uu ruuxaasi Muqaadaraadka u go’ay ku bedelan karo waxkasta oo markaas la siiyo.
Gabagabadii:- Hadaba Hoos ka dhegeyso wareysiyo Farabadan oo aanu la yeelanay Shacabka reer Khaatumo oo yagu si wacan u yaqaana Taariikhda Wariyaha Tvga Universal uga howl gala magaalada Laascaanood, Iyo Waliba Eedayn Ba’an oo ay u soo jeedinayaan dadka Reer Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Tvga Universal.
(HALKAN KA DHAGEYSO)
Shabakada Wararka Allssc.com
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=33384












