Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ra’iisul Wasaare Gaas oo la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya(Sawiro)

Wafdigan ka socday dowlada Ingiriiska ayaa waxaa hogaaminayay safiirka dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Bott waxayna kulamo la qaateen Ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Markii uu kulanka soo gabagaboobay kadib ayaa waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadlay Ra’iisal Wasaare Gaas iyo Mark Botta waxayna ka war bixiyeen u jeedada safarka.

Ugu horeen waxaa Saxaafadda la hadlay Ra’iisal Wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Gaas waxaana uu sheegay in wafdiga dowladda Ingiriiska ka socday ee maanta soo gaaray Muqdisho ay kawada hadleen ciyaarta dhawaan ka dhici doonto dalka ingiriiska oo Soomaaliya ay ka qeyb galayso iyo sidoo kale arrimo kale.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inuu aad ugu faraxsan yahay in ciyaartooy Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan ciyaaraha Olompigada ee ka dhacaya dalka Ingiriiska.

Mark Bott Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo ciyaartooyda Soomaaliya uga qeyb galaysa Ciyaarta olombigada aduunka oo lagu qaban doono dalka Ingiriiska.

Wuxuu sheegay in sidoo kale uu ku faraxsan yahay inuu maanta ku wareejiyo ciyaartooydaasi fiisihii ay ku tagi lahaayeen dalka Ingiriiska.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in dalka Ingiriiska ay ka dhacdo Ciyaarta Olompigada aduunka oo ay ka qeyb galayaan dhanka Soomaaliya wiil iyo gabar oo u matalaya Soomaaliya.

Daawo Sawiradda

Photo By:Bile Mire Maxamed

Short URL: http://allssc.com/?p=33774

Posted by on Jul 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery