Qiimaynta Wada-hadallada TFG la Yeelatay Beesha Isaaq iyo Kaalinta Khaatumo State of Somalia
Waxaa ilaa hadda inta la og-yahay dhacay afar wadahadal oo laba ka dhaceen London, mid Istanbul, iyo ka afraad oo ka dhacay Imaaraadka (UAE). Shirarakaas laba ka mid ah waxaa ay keli u ahaayeen TFGd-da iyo beesha Isaaq, waana labadaas shir waxaa aynu diiradda ku saari doonaa qiimayntan.
Qiimaynta waxaynu ku eegi doonnaa wixii ay TFG-du ku guulaysatay, wixii ay ku dhalliil ku leedahay, iyo doorka iyo dadaalka Khaatumo State iyo shacabkeedu sameeyeen ee ku aaddan wada-hadalladan si ay xuquuqdooda iyo kaalintooda u hantaan maadaama waxa miiska saaran uu yahay masiirkooda iyo aayahooda xaadirka la joogo iyo mustaqbalka.
Dhalliisha TFG-da
Waxaynu ku bilaabaynaa dhalliilaha muuqda ee TFG, waxaana ugu horraysa inaan la qeexin cidda dhab ahaan wada-hadlaysa!!! Intaa waxaad maqlaysa iyadoo la leeyahay wada-hadallada TFG iyo Somaliland, Somalia iyo Somaliland, Waqooyi iyo Koonfur, Reer Koonfureed iyo Reer Waqooyi, iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo in badan isticmaala kelmadaha Somaliland iyo walaalaheen reer waqooyi. Haddaba waxaa u baahan in la qeexo: waa ayo Somaliland? Waa ayo Somalia iyo Somaliland? Waa ayo Reer Koonfureedka iyo Reer Waqooyiga wada-hadlaya? Waa ayo walaalaheenna reer waqooyi ee Sheekh Shariif leeyahay waanu wada-hadlaynaa, illeen waxaa jira iyana walaalaha Khaatumo. Walaalaha Awdal, iyo walaalaha Maakhir oo dhammaantood ah walaalo reer waqooyi oo taageersan TFG-da iyo midnimada Somalia???!!!
Waxaa xusid mudan in Soomaalidu ku maahmaahdo, “Wadaantii Isha ka Xumaata, Faylkay la Tagtaa” Taas oo macnaheedu noqonayo wixii bilawga ka xumaada ma hagaagaan, waxaana la mid ah wada-hadalladan oo bilawgoodiiba xumaaday mar haddaan la garanayn cidda ay dawladda Somalia la hadlayso. Wada-hadallada dambe oo dhanna wax ka hagaagaya ma jiraan,.haddii aan la helin jawaabta qodobka kor ku xusan ee ah caddaynta iyo ka jawaabidda su’aasha ah, waa ayo dhinacyada wada-hadalku u dheeyo? Ilaa hadda arrinkaasi ma cadda, meel madow ayaana wax la isugu dhiib-dhiibayaa!
Qodobka kale ee dhalliisha weyn ku ah TFG-da wuxuu yahay in ay TFG-da gudaheeda ku koobto cidda wada-xaajoodka u gelaysa ilaalinta midnimada Somalia iyo dawladda Somalia. Waxaa loo baahan yahay in TFG-du haddii waqtiba ku simo inay ka sal-ballaadhiyaan intaas oo ka soo qayb geliyaan siyaasinta Soomaaliyeed ee miisaanka culus, waddaniga, aqoon –yahanka, wax-garadka, beelaha midnimada taageersan ee reer waqooyi, iyo beelaha Soomaaliyeed guud ahaanba waayo waxa laga wada-galyo ama go’aan laga gaadhayo waa jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo beel keliya khatar gelisay una baahan in laga buuxsado oo laga fiirsado. Waxaa loo baahan yahay in la dhiso guddiyo ka kooban qaybahaas wax-ku-oolka ah oo dusha iyo daakhilkaba kala socda wada-hadallada.
Maxaa lagu Ammaani Karaa TFG-da
Dawladda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed marnaba ma diiddanayn in lala hadlo iyo in dib loo soo celiyo beesha Isaaq ee is-tustay waxaan jirin iyo gooni-isu-taag aan meelna ka soconayn. Cidda wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta loogu caal la’aa waxay ahayd SNM-ta beesha keliya matasha. Waxaa guul ah in ay iyagii tanaasulaan oo oggolaadaan shuruud la’aan in Soomaali la hadlaan iyo dani waa seeto. Beesha Isaaq waxay qirayaan in beesha caalamku ku tidhi orda oo la hadla Soomaali, waa sida ay ugu dhawaaqaane icitiraaf (ictiraaf) meel kale ma yaallo’e. Soomaali oo beesha Isaaq ka tahay wax ka yar 10% ayaa la hadalkeeda waxa ka dhalan kara ee keliya uu yahay: walaalayaal dadkiina dhinac ka raaca. Is yeelyeel, is-oohin, is-waal, is-bihin-bihin, Is-ciyaala suuqayn, iyo is-dhegoolayn midna tiro u kordhin-maayo, dhul, iyo saami aanay lahaynna Soomaali dhexdeeda ka siin-maayo.
Waxaa TFG-da lagu bogaadinayaa in ilaa hadda qodobada laga soo saaray labadii shir ee London iyo Dubai macno badanba yaanay yeelane, aysan ku jirin wax habayaraate’e wax u dhimaya qaranimada iyo midnimada, iyo wada-jirka dhul ahaaneed ee Somalia. Waxaana soo noqnoqonaya oo la isla qirayaa oo xataa beesha Isaaq kuwii u mataleyey shirarka ay sheegayaan inaan qodobadaa la saxeexay waxaan ahayn laga wada-hadli doonin shirarka mustaqbalka dhici doona. Taasoo ah guul iyo in midnimada Somalia oo keliya ay tahay waxa laga wada-xaajoonayo iyo sidii wada-noolaansho ku dhisan nabad, xasillooni, caddaalad, horumar, dawlad wanaag, iyo dimoqraadiyad dhab ah loo heli lahaa.
Sidaasoo ay tahay haddana khataro badan ayaa ku gadaaman wada-hadallada socda iyadoo weliba la xusuusan yahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee hoggaaminaya ergada TFG-du uu si cad warbaahinta uga sheegay in uu taageersan yahay beesha Isaaq oo Soomaali inteeda kale ka go’da. Waxaana la yaab leh sida uu madaxweyne Sheekh Shariif ugu soo daray ninkaas wada-hadallada oo ka sii darane uu ergada madax uga dhigay!!! Waxaa iyana khatarteeda leh waqtiga ka sii dhammaanaya TFG-da iyo in laga feejignaado in shakhsiyaad og in xilligii ka dhammaanayo ay harraati iyo dhaawac xun kaga tagaan Soomaali ayna dhaafsadaan sandareerto iyo laaluush qadiyadda masiiriga ee Somalia, kuwaasoo ay dhici karto in aysan xeerin cawaaqib xumo, cidhib dambeed xun, iyo taariikh xumo lagu xusuusto.
Doorka iyo Kaalinta Khaatumo State iyo Shacabkeeda ee wada-hadallada
Marka hore waxaan doonaynaa in la fahmo kaalinta iyo doorka ugu muhiimsan ee wada-hadalladan ay leeyihiin Khaatumo iyo shacabkeeda. Gunta iyo gabagabaduna waxay tahay in meesha ay Khaatumo raacdo guushu raacayso. Inkastoo aan Khaatumo si toos ah loogu martiqaadin wada-hadallada oo xaqiiqda la is-dhinac marinayo, lana is-dhegoolaynayo haddana u fiirso TFG-du waa ka maarmi weyday in ergada Khaatumo ka muuqato, beesha Isaaq waa ka maarmi weyday in sawir hadlaya oo ay is-leeyihiin Khaatumo waa eg yahay meesha ay keento, Faroole intaan lagu cabbin wuxuu doonayey isna inuu muuqaal SSC meesha geysto. Intaas oo dhan waxay ku tusayaan in marka ay timaaddo midnimada ama kala goynta Somalia ay Khaatumo tahay xadhigga ay ka xidhmayso ama ka kala furmayso. Cid kasta oo kale waxa ay waddo wuxuu noqonayaa hadal iyo ficil ma-dhalays ah.
Waxaanu weliba jecelnahay inaanu tilmaamno inaan xataa sidaa dadban reer Khaatumo loo soo qaateen haddaan is-abaabulka Dhulbahante ka soo bilaabmin xarakaddii SSC iyo dhismihii Khaatumo State of Somalia. Waxaa dhici lahayd in iyadoo qadiyadda ugu muhiimsan ay gacantaada ku jirto in haddana aan si dadban iyo si toos ah midna laguu xuseen ee wixii la doono lagaa yeeli lahaa oo kun goor lagu xaraashi lahaa laguna kala iibsan lahaa adigoo khuuro ku jira.
Ilaa iyo hadda Khaatumo guulo waaweyn ayaa la gaadhay, hasa-ahaatee Faanoole fari kama qodna. Guulaha waaweyn ee aynu reer Khaatumo ahaan gaadhnay waxaa ka dhigaya kuwo u muuqda wax yar waa meesha liidata aynu hore u joogney. Waxaa si weyn loogu guulaystay abaabulka iyo midnimada shacabka Khaatumo, siyaasadda arrimaha dibedda, iyo siyaasadda soomaali dhedeeda, iyo isku tashiga muruq, maal, iyo maskaxba leh. Waxaa guulo waaweyn laga soo hooyey gobolka Cayn dhinaca midnimada, xoraynta iyo daafaca. Waxaa guulo qaali ah laga gaadhay midnimada dadka ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaase inkastoo dhulkeenna 97% gacanteenna ku jiro ay dhalliili ka jirtaa dhinaca is-xoraynta iyo is-difaaca gobollada Sool iyo Sanaag. Cadowgeenna SNM wuxuu ku gorgortamayaa ma aha 97%ka gacanteenna ku jira ee waa 3%ka uu meelo yar ka joogo sida LaasCaanood oo kale oo uu doonayo inuu caalamka iyo Soomaali u tuso inuu Khaatumo oo dhan haysto kuna sad-bursado
Qabyada Khaatumo State iyo Shacabkeeda
Waxaa qabyada (home work) Khaatumo iyo shacabkeeda ku soo koobaynaa shan madax oo waaweyn, waana sidatan:
- In la qabyo tiro hawlaha gudaha siiba Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood oo fure u noqon doonta deegaannadeenna gobolka Sanaag
- In la xoojiyo taakulada gobolka Cayn dhinac walba
- In la xoojiyo hawlaha dibedda ee taakulaynta ee jaaliyaduhu wadaan lana xaqiijiyo in ay noqdaan taakulayn joogto ah, wax-ku-ool ah, oo wax macno leh qaban karta
- In kaalinteenna tooska ah (direct role) aynu soo dhacsanno ee ku aaddan wada-hadallada socda ee TGD-du la leedahay beesha Isaaq. Marna ma noqonayso wax la aqbali karo iyo wax taariikhdu cafiyi doonto in beesha Isaaq oo cadaawaddeeda Khaatumo ay sida qorraxda u muuqato ay inagu matasho aayaheenna masiiriga ah (taasi hadday dhacdo waa waraabe hilbo ku raro)
- In la xisaabtamo (xisaabtan hufan), kama hadlayno xoolo iyo lacag lagu yooyootamo oo waliba nin aan waxba bixin, cadawga u shaqeeya oo dano gurracan lihi wadwado ee waa in laga xisaabtamaa dhinaca wax-qabadka oo horumar la taaban karo dadka la soo hor-dhigo, waxqabadkaas oo sida ugu macquulsan lagu fulinayo. Waanu ku faraxsan nahay in sida G10 iyo madaxda Khaatumo sheegeen shacabkana u muuqata in horumar weyn la sameeyey isla markaana la arkayo sida Dr Cali Ciise sheegay in uu koobka badh buuxo een badh madhnayn (the cup is half full, but not half empty). Waxaase la doonayo ee reer khaatumo u yaal ay tahay in koobku wada buuxsamo sidii taa lagu gaadhi lahaana madaxda Khaatumo shacabka u hoggaamiso
Reer Khaatumo waxay ku xil qarsadaan in muddadu gaabnayd oo shan bilood aynu jirno. Shan bilood horta ma yara, halgankuna wuxuu soo bilaabmay 2009 iyo SSC, waxaase intaa ka sii daran in Somalia arrimaheedu imminka ay xawli la yaab leh ku socdaan oo haddii ayna xawli la mid ah ama ka dheereeya aynaan ku socon ayba dhici karto in la ina mindi raaciyo (Alle kama dhigee). Reer Khaatumoow waxaa inoo yaal in aynu xawaaraha (speed-ka) kordhino oo gaadhsiinno heer aynu cid kasta kaga dheerayno gudo iyo dibedba. Hawlaha gudaha ee horumarka, dheeraynta, iyo guulaha laga gaadho difaaca, iyo xoraynta ayaa saamaynta ugu badan samaynaya, taasina waxay u baahan tahay taakulayn xoog leh oo dhinac walba leh oo qolyaheenna dibeddu isla barbar taagno madaxda Khaatumo iyo shacabkeenna gudaha, taasoo aynu ku wadno innana xawaare dheeraynaya. Marbana inta aynu maal-gelin gashanno ayaynu midhaheeda guran doonnaa Ugu dambayn cadawgeenna SNM wuxuu aaminsan qori caaraddii iyo xabbad ee ma aaminsana wada-hadal iyo nabad, taana xisaabta ku darsada.
Short URL: http://allssc.com/?p=32687












