Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qarax Ka Dhacay Iskuul Bolisiya Oo Uu Ka Socday Shirka Ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraal- Miinooyin Laga Helay Gudaha Madasha Iyo Ergooyinka Oo Dib Loogu Celiyay Gobahay Daganayeen (Warbixin).

Muqdisho(Allssc): Ergadii ka qeybgaleysay madasha shirka ansixinta dastuurka ayaa goordhow laga soo celiyey madasha shirka ee xarunta Iskool Boolisiya  ee degmada Xamar Jajab kadib markii qarax miino uu saaka ka dhacay xarunta shirka.

Mid ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka oo telefoonka kula hadlay Shabakad Allssc ayaa sheegay inay dib ugu laabteen Hoteeladooda kadib mrkii saaka xilli ay galayeen xarunta uu qarax ka dhacay gudaha xarunta ay ku shirayeen.

Saraakiisha booliska ee ka masuulka ah amaanka goobta iyo ciidamada AMISOM ayaa ku wargeliyey ergooyinka inay ku laabtaan Hoteladooda illaa inta amaanka laga xaqiijinayo, waxaana haatan socda baaritaan culus oo laga wado hareeraha iyo gudaha xarunta.

Shirka ansixinta Dastuurka oo maanta geli lahaa maalintii saddexaad ayaa sidaasi ku baaqday, sida ergooyinka qaarkood noo sheegeen.

Qaraxii saaka

Sida goob joogayaashu sheegayaan miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa ka qaraxday gudaha xarunta Iskool Boolisiya xilli ergada inteeda badneyd aysan weli soo xaroonin.  Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxa illaa hadda.

Qaraxa kadib ayaa bambooyin kale oo aan weli qarxin waxaa laga helay albaabka hore ee laga soo galo xarunta Iskool Boolisiya, waxaana ergooyinka safka ku soo jiray loo sheegay inay dib uga laabtaan.

Lama oga sida ay ku suurtagashay in miinooyinka la geliyo gudaha xarunta Iskool Boolisiya iyadoo amaanka ay adkeeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaalida ee loo xilsaaray adkeynta amaanka goobtan oo ay ku shirayaan ergooyin gaaraya 825 xubnood.

Hay’adaha amaanka kama hadlin qaraxa illaa hadda.

Sidee amaanka loo qeybsaday?

Wariyaheena Maxamed Wali oo dhowaan booqday xerada Iskool Boolisiya ayaa arkay qalab casri ah oo loo adeegsaday amaanka goobta shirkan uu ka dhacayo, waxaana aad u adag in cid bannaanka ka timid ay goobta wax ka sameyso.  Tusaale ahaan, waxaa gees kasta oo xarunta shirka ka mid ah lagu xiray Kaamerooyinka amaanka, iyadoo iridka laga soo galo xarunta la dhigay qalabka ‘SCAN’ ee qofka uu soo dhexmaro.

Dhamaan dadka soo galaya xarunta waxay ku soo galaan kaarar aqoonsi oo ay bixiyeen UNPOS iyo guddi ka socda xafiiska raysul wasaaraha, waxayna kaararkaasi leeyihiin qof kasta ‘FARIHIISA’ iyo sawirkiisa oo xaqiijinaya in qofka kaarka sita uu isaga yahay.

 

Allssc News Desk

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=35645

Posted by on Jul 27 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery