Qaar Kamid ah Ergadii Waqooyi bari Puntland ee Ansaxinta Dastuurka oo La Sheegay in loo Diiday inay ka Qeybgalaan Shirka
Ra’iissal wazaaraha DFKMG Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas ayaa sida ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan iska hor taagay ergada dhawaan ka yimid Puntland inay ka qayb galaan shirka ansixinta daastuurka, in ka badan kala bar tiradii ergada ayaa shirka ansixinta dastuurka bannaanka ka fadhiya kuwaasoo uu ra’iisal wazaaruhu u sheegay inay shirka uga qayb qaadan karaan qaab kor joogtanimo una diiday waraaqihii aqoonsiga (Badges) ergeda rasmiga ah ee ka qayb qaadanaysa ansixinta dastuurka.
Warkan oo aan ka helnay xubno ka mid ah ergada shirka loo diiday oo magacooda qariyay kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisal wazaaruhu uu meesha ka soo buuxiyay dad ka soo jeeda Puntland laakiin uu ka soo ururiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyo xubno taageerayaasha KHaatumo si ay isaga ugu codeeyaan.
Odayaashan ayaa sheegay in ra’iisal wazaaruhu uu ka adeejiyay wiilal dhalin-yaro ah oo sida ay hadalka u yiraahdeen aan dadka si wanaagasan ula dhaqmayn oo xafiiskiisa ka shaqeeya ”Ninkaan aad ra’iisal wazaaraha ku haysaan annagu isma aragno hadaan aragnana isagoo soconaya ayuu inoo jawaabaa oo xataa inooma joogsado, waxa kastana waxaa inoo sheega wiilal dhalin-yaro ah oo xafiiskiisa ka shaqeeya oo aan anshaxa dhowrayn” waxaa sidaas yiri oday aad u caraysnaa oo ka mid ahaa xubnaha ergada Puntland.
Mar aan xubnahaas weydiinay in dowladda Puntland ay arrintan ka war hayso, waxay inoo sheegeen inay joogaan madasha shirka 4waziir oo ka socda dowladda Puntland ( Waziirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Waziirka SHaqada iyo Ciyaaraha Cabdi-Wali Indho-guran, Waziirka Wax-barashada Cabdi Faarax Saciid“Juxa” Waziiru-dowlaha Qorshaynt iyo xiriirka caalamiga Cabdul-qaadir Xaashi) isla markaasna uu jiro muran xooggan oo arintan la xiriira, ilo diplomats-iyadeed oo ku sugan Muqdisho oo aan xiriir la samaynay ayaa inoo xaqiijiyay in odayaashaas shirka wali banaanka ka joogaan.
Warkan ayaa intaas ku daray in eedda arrintan uu ku lug leeyahay Augustine Mahiga oo isagu ah wakiillka Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, sida warku sheegay waraaq qoraal oo dowladda Puntland ay gaarsiisay Qarammada midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa ku cad in lacagtii iyo miizaaniyadii shirka loogu talo galay uu Mahiga u dhiibay ra’iisal wazaare Cabdi-Wali Max’ed Cali, taasoo qaynuun ahaan daba marsan siyaasadda Qarammada Midoobay iyo Beesha Caalamka. Arrintan ayaa waxay ra’iisal wazaaraha u suuro gelisay inuu isaga uu ergooyinka u diro diyaaradaha taasoo macnaheedu lagu sheegay inay suuro gal uga dhigtay in ninkii uu doono isaga keensado.
DHanka kale, wax-garad kale oo ku sugan madasha shirka oo aan arrintan ka waraysanay ayaa walaac ka muujiyay sida uu u dhaqmay ra’iisal wazaaraha, taasoo ay ku tilmaameen in tilaabada uu Mahiga lacagta ugu dhiibay Cabdi-Wali ay ahayd khayaano la rabo in SHirka Ansixinta lagu burburiyo, si loo yiraahdo shirkii waa lagu kala tagay, ama Puntland intay ka carooto madax banaani ka sheegato dalka intiisa kale, taasina ay noqoto sabab Soomaaliya lagu kala qayb-qaybiyo, ama haddii ay kulankaan natiijo ka soo bixi weydo ay noqoto sabab wanaagsan oo Soomaaliya Maxmiyad lagu gelin karo.
Waxaana jira warar dhowaan soo baxay oo sheegay in kulan degdeg ah oo la xiriira dacwada dowladda Puntland uu maanta sabti ah galabnimadii ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna dad badan is weydiinayaan sababta ergeyga Qarammada Midoobay lacagta shirka uu ugu dhiibay nin ka mid ah tartamayaasha jagada xilka madax-weyneimada Soomaaliya, iyado walib uu ku jiro liiska magacyada lagu eedaynayo inay lunsadeen lacago Malaayiin Dollar ah oo hanti qaran ahayd.
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=36140













yaab allssc.com idinka reysal wasaruhu hadu sida yeelay maad ka amustan ileen inagabey guul ino tahaye kkkkkkkkkk shekadan meesha ka sara plz waayo reer KHAATUMO STATE hadan nahey arinkan wa guuuuul marka cida bintland waxano kale reysal wasaraha haku edeyso inagu inan ku eedeyna wa siyasad xumo
wax loo hiiliyo walaahi ma istaahishaan rayzal wasaaraha iyo puntland waxay isugu dhaceen waa khaatumo awgeed idinkuna dacaayad ayaad ka faafinaysaan duf iyo dooriso ku baxa
War heedhe waqooyi bari lama yidhado puntland waa ku sidee, waqooyi bari waa dhulka dhulabate ha magacan faroole baa xadey, ee magaca puntland ay la baxeen ku sheg ama majeerteniya
mukhtaar allssc. ma tihid wariye siyaasi ah. raysal wasaaruhu waxa uu u dhaxeeyaa shacubta somlaiyeed hadii uu lacagta shirka maamulana waa hogaanka kowaad ee fulinta soomaliya ee haatan. marka arrinka odayada caraysan ee puntland waxan u malayn inay yihiin kuwo ka habsaamay shirka kuna hungoobay siyaasad xumadi firdhiye oo uu haatan la calaacalayo. marka bal allssc yeey meesha keena kuwa fahmi kara siyaasada meesha ay u socoto anigu ma rabo inaan intaa ka badan comentiga ku sheego.
thanks
You are a very capable person!
You can definitely see your enthusiasm in the work you write. The sector hopes for even more passionate writers such as you who aren’t afraid to mention how they believe. All the time follow your heart.