Ogaysiis Ku Socda: Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed Ee MN, Musharaxa Jagada Maxdaxweynaha Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cadi Xaashi Oo Kulan Balaadhan la yeelaan Doona Reer MN Sabti July 14 2012 @4:30 PM
Allssc: Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ku dhaqan gobolkan MN, waxaa loogu baaqayaa inay kasoo qayb galaan, kulan balaadhan oo uu la yeelan doono musharaxa jagada madaxweynaha Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi. Dr. Cabdiraxmaan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed una sharaxan jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulankan kusoo bandhigi doonaa qorshihiisa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo iyo dib u dhis ee qorsheeyey inuu ku hogaamiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee u ooman aqoonyahanada isagoo kale ah.
Kulankan wuxuu kaloo kusoo bandhigi doonaa Dr. Cabdiraxmaan taariikh nololeedkiisa, aqoontiisa iyo khibradiisa oo uu aaminsanyahay inuu in badan oo kula tartamaysa jagada madaxeynaha Soomaaliya uu dheeryahay. Hadaba waxaa mar labaad laydinku casuumayaa inaad kasoo qayb gashaan xafladan aynu kuwada baranayno Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi shaqsiyadiisa, aqoontiisa iyo khibradiisa uu damacsanyahay inuu ugu adeego umada Somaaliyeed.
xafladani waxay ka dhici doontaa:
Safari Banquet & Hall
3010 4th Avenue South
Minneapolis, MN 55408
(612) 353-5341
Tariikhda/date: Sabti July 14 2012
Waqtiga/time: 4:30 to 8:30 PM
www.badbaadoqaran.org
Direction
Short URL: http://allssc.com/?p=33590













