Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Odey Maxamed Xasan Xaad iyo Odayaal uu hogaaminayo oo ka baxay shirka odayaasha Muqdisho

 

 Muqdisho(Allssc) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii odayaasha dhaqanka Muqdisho uga socday ay isaga baxeen xubno uu ka mid yahay Maxamed Xasan Xaad oo aha guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Muqdisho.

Maxamed Xasan oo la hadlay goordhow mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ee ku yaala Muqdisho ayaa sheegay in dad weynaha dalka iyo dibedda ku sugan uu u sheegayo in ay isaga baxeen isaga iyo odayaal kale shirkii Muqdisho.

“Adeer shirka waxa aan uga baxay sida aad la socotaan shirka waxa la fadhiyay 80-cisho, wax uu hadda ummada Soomaaliyeed u faa’ideyna waan garanweynay, haddana sidaas oo ay tahay waxa la keenay dastuur uu wax badan ka qaldan yahay, Odayaasha waxa ay sidaas oo ay tahay rabeen in ay saxaan wax yaabaha qaldan, laakin waa noqon weysay oo waxa nala dhahay idinka ma lihdiin Mandate ama go’aan ee waxa aad lee dihiin in aad soo xushaan ergada ansixineysa, marka taas kuma qancin, guddio 15-ayaan u xilsaarnay xaaladda oo ay odayaasha ku jiraan, waxa ay noo diyaariyeen qodobo 17- ah oo wada qaldan oo masiirka ummada u adeegeynin, iska daa in la badale xitaa waxa la diiday in laga baahiyo warbaahinta,” ayuu yiri Xaad.

Waxa la weydiiyay Xaad waxa hadda keenay in uu ka baxo shirka haddii uu ku sugnaa muddo 80-cisho waxana uu yiri

“Adeer waxa aan rabnay in aan wax badan ka badalno dastuurka oo qalad ay ka buuxeen maadama uu yahay masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, laakin arrintaas ma dhicin, oo waxa nala dhahay waxa idinka ku ekaataan soo xulida ergada, waxa aan u fahanay odayaasha in laga doonayo uun masawir maadama aysan lahayn awood kale iyo in ay wax badallaan, marka anniga waa ay ila muuqan weysay in aan meesha iska sii joogo oo ka sii mid ahaado”

Waxa ugu dambeen Maxamed Xasan Xaad uu sheegay in ummada Soomaaliyeed uu u sheegayo in wixii halkaas ka yimaada aan shaqo ku lahayn odayaasha uu ka mid yahay ee maanta isaga baxay shirka, isagoo intaas daba dhigay, joogitaankiisa in uu ka tacsiyeenayo oo uu ku tilmaamay qalad kolba iga dhacay, laakin uu illaah daba qabtay”

Waxa uu yiri ma ahan dastuur dalka iyo dadka lagu aamini karo”

Si kastaba, hadalkan ka soo yeeray Xaad maanta, waxa uu saameyn ku yeelan doono shirka odayaasha Muqdisho, oo wali aan dhameestirin ergada ansixineysa dastuurka Soomaaliya.

Maxamed Wali

Allssc Muqdisho

Allssc@allssc.com

Info@allssc.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=35206

Posted by on Jul 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery