Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Naf lacaariga Siyaasadeed Ee Siil-aanyo iyo Khaatumoseegnimada Xaglatoosiye (Fulow Guuli kuu Dhoweydaa!!)

Allssc: Kadib markii hogaanka SNM ay lasoo deristey dhirbaaxo siyaasadeed oo kaga timi aasaaskii maamulka Khaatumo State iyo caalamka oo u sheegay in aanay wax aqoonsi la yiraahdo helyan, ayuu Siil-aanyo bilaabay raadiyo shaqsiyaad uu ku tiro badsado horgalayaashii hore ula joogay oo cabudhin ay shacabkooda ku sameeyaan mooyaane aan wax faa’iida ah kale usoo kordhin jabhada SNM. Shaqsiyaadka sida aadka ah indhowaaleba ugu sii siqayey xerada horgalada Siil-aanyo waxaa ka mida Saleebaan Xaglotoosiye oohore u ahaan jirey hogaanka SSC intaan shacabka SSC ku midoobin maamulka Khaatumo State.

Xagla toosiye oo awalba sida dadka yaqaanaa aaminsanaayeen waqtibadan iyo mid maalba geliyey si uu u gaaro hankiisa siyaasadeed, aanse lahayn adkaysi iyo dulqaad uu ku xamilo xiliyada adag ee hadaad siyaasada gasho shaqsiga siyaasiga ah lasoo gudboonaan karta, sida mucaaradka, cadowga sokeeye iyo shisheeyeba leh, busaarada, colaada, dacaayada, su’aalaha adag ee laysweydiiyo iwm ayaa markuu hogaankii SSC kukala daadiyey siyaasad xumo iyo kasbasho uu kasban waayey taageerayaashii hogaanka iyo wadashaqayn uu la samayn waayey ururadii kale iyo aqoonyahanada SSC isagoo weliba hiilbadan ka helay qaybo badan oo ka mida shacabka SSC oo taageerayey qadiyda hogaanka SSC.

Hadaba markii aqoonyahada, waxrgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada SSC isugu yimaadeen magaalada taariikhiga ah ee Taleex si ay aayahooda uga tashadaan, Xaglatoosiye wuxuu ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirka, wuxuuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cidii loo garto inay qabato maamulka lagu dhisidoono Taleex. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Tuug in taadan tuug ku odhan buu tuug kugu yidhaahdaa” Xaglatoosiye wuxuu banaanada ka odhan jirey shirka Taleex “Somaliland” (SNM) baa dadka loo wadaa, wuxuuna si toosa intuu joogay buuhoodle ula heshiiyey odayaashii Faroole u shaqayn jirey ee ka hor istaagey inuu Hogaankii SSC sitoosa uga hirgeliyo gobolka Cayn siiba magaalada Buuhoodle.

Waxaa maanta jab ku ahaan lahayd shacabka Khaatumo State hadii uu Xaglatoosiye isagoo hogaan ugu magacaaban uu Siil-aanyo ula galo, hase yeeshee maanta kulanka iyo isdhiibka Xaglatoosiye isaga uun baa ku Khaatumo seegay shacabka Khaatumona wax uu kala tegay hada oo aan ka ahayn in meel loogu soo haagaago la ogaaday aan ka ahayn ma jirto. Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa “Ilaahayow haa iyo Maya Meel ha iigawada yeedhsiin” . Mudoyar ka hor ayay ahayd markii lasoo ogaaday inuu laaluush SNM kaga qaatey Jabuuti kadib markii la weydiiyeyna wuxuu u sheegay shacabka Khaatumo isagoo gashan isla Feteshaariga (Dharka Iskujooga ah) uu kula kulmay Siil-aanyo inuu afkuu SSC ku yidhi uusan SNM ku odhaneyn. Hadaba maanta waxaa halkaas ka cadaatey in Siil-aaanyo naflacaari yahay Xaglatoosiyana khaatumo seeg ku dhacay. Xagala toosiyana afkuu Khaatumo ku yidhi Seer Siil-aanyo kaga danbaysiiyey. Wuxuuna ku biirey liiska horgalayaasha.


Short URL: http://allssc.com/?p=32679

Posted by on Jul 1 2012. Filed under Fikradaha, taariikh, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Naf lacaariga Siyaasadeed Ee Siil-aanyo iyo Khaatumoseegnimada Xaglatoosiye (Fulow Guuli kuu Dhoweydaa!!)”

  1. ahahahah ahahah yaa ila qosla

  2. darwiish

    walaahi waa nasiib daro in maalin walba qof loo hanweynaa uu inagaga galo dad ay cadaawadi naga dhexeyso wax aan dadka kula kaftano baan garan la nahay maxaa siyaasiyeenteena xumeeyey ma anagaa dad liita ah mase markeynu siyasada gallo baan dhiiqo walaaqanaa? kuwan hada hogaanka aynu u dhiibanay sidee isugu haleynaa? mid walba afkii uu shalay cadowga ku caayey ayuu ku amaanaa marka xoogaa jeebka loogu shubo ala ceeb badanaa kuwan waa ina ceebeeyeen

  3. ismail gadhyare

    Waa wax runtii lala yaabo in nin ssc ka soo jeeda oo magac ku lahaa bulshada dhexdeeda uu maanta siil-aanyo oo weerar ku haya buuhoodle uu xaglotoosiyo u tago waana ceeb uu xaglo toosiye aan ka hadhaynweligii .Markaa waxaan odhan lahaa (Ninkii Hadhayoow yeelkaa Khaatumo wey kacday nin cadow isu dhiibayna waxba yeeli maayo)

Qormadaada

Photo Gallery