Musharax cusub oo ku soo biiray musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya(Warbixin+Sawiro)
Mugdisho(Allssc)Musharax Maxamed Axmed Cali ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Odoyaal Waxgarad Culumo udiin iyo Dhalinyaro ayaa ka soo qayb galay munaasabadaan oo uu kaga dhawaaqay Musharaxaan in uu yahay mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Musharaxa ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in xiligaan la doorto qof wax ka qaban kara xaalada uu marayo wadanka Soomaaliya iyo marxalada ay ku nool yihiin umada Soomaaliyeed.
Maxamed Axmed Cali ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin cadaalad isla markaana cadaalada ay deeqdo dadka oo dhan.

Musharaxa ayaa wuxuu xusay in madaxweynaha ay dooranayaan baarlamaanka la soo xulay, wuxuuna ugu baaqay baarlamaanka in ay ka fiirsadaan qofka ay dooranayaan in uu yahay qof qaban kara xilkaan.

Maxamed Axmed Cali ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiintii doorashadii lagu qabtay wadanka Jabuuti sanadii 2009-kii markaas oo la doortay madaxweynaha haatan xilka haaya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana haatan sidoo kale markale uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Allssc News Desk/Online
hiirad@allssc.com
Mugdisho,Somalia
Short URL: http://allssc.com/?p=35657












