Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Mid ka mid ah murashaxiinta oo ku eedeeyay Madaxweynaha in hantida qaranka u adeegsanayo ololahiisa doorashada

(allssc)Murashaxa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda in dhaqaalaha dalka ay u adeegsanayaan ololahooda doorashada, si ay mar kale dib ugu soo laabtaan kursiga madaxtinimada Soomaaliya.
C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gala Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Xaflad shalay ka dhacday Dhismaha City Palace, kaasoo lagu taageerayay musharaxnimada Madaxweyne Shariif iyo waxqabadkiisa.

“Waxaa la socotaa xaflad si toos ah uga socotay muddo shan saac Telefishinada, waliba lagu kireystay hantida qaranka, qaban qaabadii meesha ka dhacay in Xukuumada, Maamulka Gobolka iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga ku lug lahaayeen, waxaa jirtay in xataa gaadiidkii ciidamada lagu buufiyay mid ka mid ah sawirka murashaxiinta madaxda ah”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in wax khilaafsan hab dhaqanka dowladnimada iyo dimoqraadiyada ay tahay in hantida qaranka lagu sameeyo olole doorasho, isagoo u jeediyay madaxda kale ee ciidamada inay arrintan dhex dhexaad ka noqdaan.

“Hadii la isa soo sharaxayo waa in qofka jeebkiisa wax walba ka fan kareeyaan ee ma ahan in hantida qaranka iyo imkaaniyaadkii dowladda la adeegsado, in deeqihii dowladdaha laga soo helo lagu galo doorashada waa wax aan xalaal aheyn”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maalinimadii shalay ayay aheyd markii xaflad socotay muddo saacado ah oo ay qabteen taageerayaasha Madaxweynaha si toos looga sii daayay Telefishinada, iyadoo Madaxweyne Shariif khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu ku muujinayay musharaxnimadiisa ka jeediyay munaasabada, isagoo weydiistay in fursad loo siiyo in howshii uu shacabka u qabtay inuu dhameystiro.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil”Khaatum”
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=34545

Posted by on Jul 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery