Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

MAYA AF-DUUBIDDA MASUULIYADDA ODAYAASHA DHAQANKA .‏

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaalada
waxeey si buuxda u taageersan yihiin baaqa ama hadalka cad
oo xaqiiqada ku saleeysan danta guud iyo maslaxada ummadda
ka turjumaayaa eeyna ku codsadeen in waqti ku filan la siiyo
si eey arrimaha culeeyskooda leh sida ku haboon ugu gutaan
una soo xulaan ergooyinka iyo xildhibaanadda barlamaanka cusub
Odayaasha Dhaqanku.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si buuxda ugu raacsan yihiin
Odayaasha dhaqanka taladooda ku aadan bedelida ama saxida qodobada
eey soo sheegeen oo dhaliilo leh ama qaarkood khalad yahay,waxaana
ka mid ah:-
1-Qodobka Jinsiyadda Somaliyeed sidii ku habooneyd looma dhigiin.
2-Qodobka Xaduudada Dalka Hooyo ma cada mana qeexna.
3-Qodobka Madaxweyne-nimadda oo sharuudo badan ka dhiman yihiin.
4-Qodobka Diimaha oo si weyn u khilaafsan shareecadeena Islaamka
waxyaabo kalena ku qarsoon yihiin oo aan marna la qaadan kareyn.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed hore ayaay u diideen ugana digeen in
Dastuurka sida uu hadan yahay logu ansaxin,waayo waxaa ku jirra
qodobo badan oo aan u cuntameeyn ummadda somaaliyeed sida kuwan
halkan ku xusan iyo kuwo kale oo badan oo sed bursi gaar ahaneed
iyo hab cadaalad daro leh iyo kuwo dowladaha deriska lagu raali
gelinaayo balse dhaawacaaya qaranimada iyo jiritaanka Somaliyeed.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey mar labaad iyo tobnaadba ka
digaayaan af-duubida xilka odayaasha dhaqanka somaaliyeed iyo
awood siinta xaq darada ah ee gudiga farsamada(gudiga kooxdda
saxeexayaasha)oo ujeedo qarsoon iyo xeelad qorshe kale(Plan 2)
ku hoos jirro oo isbaaro loogu dhiganaayo awooda odayaasha iyo
xubnaha ergooyinka iyo xildhibaanada eey soo xulaanba.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan fariin cad uga dirayan
Odayaasha dhaqanka somaaliyeed in eey ku adkeeystaan gudashadda
masuuliyadooda kana tanaasuliin si weyna uga digtonaadaan arinta
xeeladeeysan oo lagu damacsan yahay majara habaabintooda,waqti
lumiinta iyo ka gudbidda xilkooda oo ah sababta loo sameeyeey
gudiga farsamada,marna ma ogolaan karaan in awoodooda xulidda
ergooyinka iyo xildhibaanada eey la qeybsato gudiga farsamo.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey amaan.bogaadiin iyo dhiiri-
gelibna u diraayaan Odayaasha Dhaqanka Somaaliyeed oo ilaa hada
wadadii toosneyd ku taagan dareen iyo damiir somaliyeed oo dhanka
xaqa ku taagan si weyna u diidan xuquuq diidsiga iyo guud ahaanba
waxyaabaha cadaalad darada ku saleeysan oo saxeexayaashu wadaan
diidan, wixii tanaasul ah waa khiyaano qaran odayaal ogaada.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey madaxdda sarre ee qaranka
uga digaayaan xeeladaha farsameeyn oo ujeedada gaarka ahi ka
dameeyso iyo carqaladeynta masuuliyadda Odayaasha dhaqanka iyo
isku deeyga ama u ololeeynta ansaxinta dastuur khalado waaweyn
leh oo lid ku ah shreecadeena Islaamka ama jiritaanka qaranka
dhaawacaaya.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey ugu baaqaayaan gudoonkii gudiga
Madaxa banaanaa ee dastuurka dejiyeey in uu Odayaasha dhaqanka
gacan ka siiyo xaqiijinta in nuqulka dastuurka loo keenay yahay
midkii saxa ahaa,qodobada faahfaahin dheeraad u baahana si cad
uga shaafiyo(dan gaar ahaaneed mida qaran ayaa ka weyn).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu baaqaayaan xisbiyadda,
shakhsiyaadka isa soo sharaxay,ururada bulshada,culimaa-udiinka
iyo bahada saxaafada iyo warbaahinta in eey la duubtaan sida ku
haboona u taageeraan howlaha culus oo Odayaasha dhaqanku hayaan
garab iyo gaashaana u noqdaan.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda Midnimadda iyo Cadaaladda.
Jullay-04-2012.

Short URL: http://allssc.com/?p=33118

Posted by on Jul 4 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery