Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Maxkamada Ciidaamada Qalabka Sida ee Dowlada KMG ah oo laga dalbaday inay Xafiis ka furato Magaalada Baladweyne

Maamulka gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka dalbaday dowladda KMG in la soo gaarsiiyo magaalada Baladweyne howlaha durbaba ay ka bilaawday gobolladii dhawaan laga xureeyay Al-shabaab maxkamada ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan ahna kusimaha guddoomiyaha gobollka Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’  ayaa shir Jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxaa uu kaga hadllay baahida waqtiga loo qabo in ay ka howlgasho gobollka maxkamada ciidamada qalabka sida.

“Waxaan ka codsaneynaa wasaarraada arrimaha gudaha iyo aminga Qaranka, iyo wasaarrada Gaashaandhiga intaba in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hergaliyo xafiis maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku yeelato magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri Max’ed Macalin Yuusuf Garabey.

Waxaa uu sheegay in ay jiri karaan mar walba qaladaad iyo danbiyo ka dhaca ciidamada maamulka gobollka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in ay jirto hay’ad amni oo markiiba arintaa wax ka qaban karta.

“Ciidamada ayaa qalad gali kara, anaga mas’uuliyiinta ah ayaa qalad gali karna, mar walba cadaalada waa lagama maarmaan, sidaa daraadeed waxaa dalbaneynaa in maxkamada ciidamada qalabka sida la soo gaarsiiyo howlaheeda gobollka,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka.

Baaqan ay jeedinayaan mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan  ayaa imanaya xili magaalada Baladweyne mud ku dhan todobo bilood ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka gobollka iyo kuwa dowladda Itoobiya, iyadoo marar badan oo kala duwanna ay soo booqdeen magaalada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG oo uu ka mid yahay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Xafiiska Wararka Shabada Allssc.com(Buuhoodle)
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0025224471386

Short URL: http://allssc.com/?p=33739

Posted by on Jul 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery