Madaxweyne Shariif Oo Xariga Ka Jaray Xeradii Daraawiishta Ee Caga Dhiig Oo ah Astaan Qaran Ee Halgankii Soomaaliyeed ee Darawiishta
Moqdishu (allssc) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xariga ka jaray xaruntii Daraawiishta ee Cagadhiig waxaana mudaasabada xariga looga jarayay goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.Munaasabadan xariga looga jarayey xeradii daraawiishta ee Cagadhiig oo dib loo dayactiray muddo 22 sano ah ka dib ayaa waxaa munaasabadaasi xarig jarka aheyd goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Shiiqunaa Maye, Madaxweynaha dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Cali Axmed, kooxda baambeyda iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Taliyaha ciidanka booliska S/gaas Shariif Shiiqunaa Maye oo hadal ka jeediyay munaasabada xariga looga jarayey xeradii daraawishta oo dhawaan dib u dayactir lagu sameeayay ayaa Madaxweynaha u sharxay qaabkii ay ugu suura gashay dhismaha xaruntani isagoo ciidamada booliska kula dardaarmay in ay waajibaadkooda si hufan u gutaan.
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan ciidamada booliska isagoona ku guubaabiyay in ay u adeegaan shacabka si ay uga hortagaan wax yaabaha amaanka lidka ku ah si ay u muujiyaan kartidooda waxa uuna Madaxweyne Shariif ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan ciidamada booliska si looga ilaaliyo waxyaabaha amaaan darada u keenaya.
Waa xusid mudan in uu ahaa mid ka mid ah abaanduulayaashii ciidamada Darawiishta ugu caansaan ee 21 sano uu halganka dheeraa ee daraawiisht ay kula jireen gumeeysta yaashii Gaalda ahaa Engreeska, Talyaaniga iyo Etopia ama xabashida.
Hadaba abaanduule Cagadhiig Waxuu madax ka ahaa aaga koonfureed ee Somalia .xaruuntiisana waxeey aheeyd Magaalda Baladweyne ee gobolka hiiraan halkaas uu ku lahaa qalcado .abaanduule Cagadhiig alle ha u naxariistee darawiisku waxaa lagu xusay in halgankiisii uu cadowga Talyaaniga ku jabiyey in lagu magaacaabo loogunu abaal gudo xiligii dawladahii hore iyo tan maanta ee TFG ku meel gaar ah ae ka sii ambaqaaday in taariikhda iyo halgankii darawiishta uu mar walba yahay guul ummadda soomaliyeed ee ay leedahay ay caruurta soomaliyeed iyo jeelka soo socda loo dhigi doon sida adduunku uu qirayo oo buugaagta taariikhda ku qoran sidee ee kale ay qabta haydda qaramada midoobay ee UNESCO oo taariikhda iyo dhaqanka qaabilsan iyo waxbarashada .
Waxaan dadka reer khatumo state ama dhashii daraawiishtu ay ilaalinayaan waajib gaar ah ka saaran yahy in kuwa Somalidiidka iyo naceebka qabiilka ku jira ee doonaya in ay tirtiraan halgankaas iyo in ay taariikha cusub ee halgan ku sheega ee jabhadihii wadanka burburburiye ee gumeeysiga waligood ba dabada ka riixiyey oo leh taariikh mugdi loona yaqaan qurmis ama gacan ku rimis inisku dayayaan in ay faafiyeen laakiin fiiro gaar ah baal waxgaradka looga baahan yahy
Short URL: http://allssc.com/?p=35673
















