Madaxweyne Shariif oo si horu-dhac u bilaabay Ololihiisa doorashada iyo Gudi uu u magacaabay (Warbixin)
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa loolan adag u geli doona sidii mar kale dib ugu soo laaban lahaa Kursiga Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha si horu dhac u bilaabay ololihiisa doorashada 20-ka Agosto.
Kulamo maalmihii u dambeeyay uu la yeelanayay qeybaha bulshada, sida odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida, siyaasiyiinta, ururada bulshada iyo Haweenka ayaa bilow u ahaa ololihiisa musharaxnimo ee uu kol hore ka sheegay fagaarayaasha siyaasada.
Inkastoo xilligan galan galkiisa ku wajahan yahay sidii Afar sano ee soo socota u sii heyn lahaa Madaxtinimada Soomaaliya ayaa hadana dadka odorasa siyaasada ay sheegayaan inuu dagaal adag kala kulmayo musharaxiin ay ka mid yihiin xubno hore madax u soo noqday iyo madaxda haatan ee labadiisa garab kala fadhisa,Iyo Kuwo cusuba oo aqoon la yimid dalka.
Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in ololihiisa koowaad uu ku daah furay Gudigii ololaha u geli lahaa, kuwaasoo ay ka dhex muuqdaan xubno caan ka ahaa saaxada siyaasada Soomaaliya, isla markaana qaarkood gacantiisa midig ahaa.
Madaxweyne Shariif ayaa loolankiisa waxaa horboodi doona Xubnaha Aala-Sheekh, kuwooda ugu cad cadaa ee geed fadhiga u ahaa xilliyadii hore, balse mar dambe isku xumaaday, hase ahaatee waxaa haatan la leeyahay dib ayay isugu soo dhowaadeen.
Gudiga Campaing (Ololaha) doorashada waxaa ka mid ah shan xubnood oo xukuumadihii hore Wasiiro ka soo noqday, waxaana ka mid ah shan xubnood ee Gudiga Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirkii hore Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac, Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Xasan Macalin, Sayid Cali Macalin oo hada xilka Dekeda Muqdisho sii haya, iyo Mursal Saneey oo ah Madaxa Protocol-ka Madaxtooyada.
Xubnahan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Xasan Macalin, halka madaxa Maaliyada uu yahay Sayid Cali Macalin Cabdulle, saddex xubnood ee kale ayaa ah xubin howsha abaabulka iyo ololaha doorashada sii wada.
Kulan saacado qaatay ayaa dhowr habeen ka hor Madaxweynaha uu la yeeshay shantan xubnood ee horboodaya ololihiisa doorashada, iyadoo la dajiyay qorshayaal ku wajahan ololaha doorashada.
Qorshayaasha ayaa waxaa ka mid ah lacago loo qoondeeyay ololaha doorashada, guryo la kireeyay, dhaqaale loogu tala galay Warbaahinta, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo ururada bulshada, si ay uga qeyb qaataan ololaha doorashada.
Xilliyadii u dambeeyay ee uu Madaxweynaha ka soo degayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaana bilow u aheyd ololahan, markii soo dhoweyn aan horay loo arag, balse dadka ku tilmaameen mid ugu sii birtumanayo jagada madaxtinimada Soomaaliya ay dhoolatus u aheyd.
Laakiin arrimaha qaar ee tashwiishka ku jiro ayaa ah in xubnaha qaar ee gudigan ku jira oo horay isugu dhaceen Madaxweynaha, isla markaana khilaafyadii Madaxweynaha iyo madaxdii kale dhex maray ku lug lahaayeen, ayaa xilligii ay Madaxtooyada joogeen isu arkayay inay yihiin kuwa ay talada dalka ka go’do, waxaana ay sabab u noqdeen siyaasiyiin badan in Madaxweynaha isku dhacaan.
Si kastaba ha ahaatee todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in Muqdisho ka bilaabato ololaha doorashada musharixiinta, iyadoo hardan badan uu xilligan ka dhaxeeyo musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada oo noqon doonto musharaxiintii ugu badneyd abid uu tartanta Madaxtinimada Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Shabakada Allssc
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=33964












