Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac(Indhosheel), ayaa maalintii Shalay si Rasmi ah ula Wareegay Xilkii Madaxnimada Meertada Ee Golaha Madaxtooyada Khataumo State of Somalia
Taleex (allssc) Waxaa uu kala wareegay madaxweynaha haatan xilka hayey ee Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).sida dastuurka iyo dimoqraadiyadda ku saleesan.ee Khaatumo state of somalia
Xaflada xil wareejinta oo ka dhacday goobta Berdaha Khaatumomaalintii shalay oo ku yaala koonfurta magaaladda Taariikhiga ah ee Taleex ,ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka Khaatumo, Cuqaal, Aqoonyahano iyo dadweyne kala duwan oo dhamaantood ka qaybgaly isbedelka u horeeyey ee maamulkooda.
Warbixino kala duwan oo ay musuuliyiinta wasaaraddaha Lixda ah ee maamulka khaatumo ka kooban yahay oo ay ugu talagaleen xil wareejintan kadib, waxaa halkaas hadal ka soo jeediyey madaxweynaha taladda wareejinayey oo laga bilaabo maanta noqon doona madaxweyne ku xigeenka sadexaad, kaas oo ka war bixiyey waxqabadkii mudadii lixda bilood ahayd ee uu taladda hayey.
Axmed Cilmi Cismaan waxa uu ballan qaaday inuu la shaqayn doono madaxweynaha haatan taladda haya sidii wanaagsanayd ee uu isba ula soo sheqeeyey, waxaanu ka codsaday dhamaan laamaha kala duwan ee mamaulka iyo dadwenuhuba inay la shaqeeyaan.
Gabagabdii xafladaasi ayaa waxaa sawaxan iyo qaylo loogu soo dhoweeyey madaxweynaha haatan talada Khaatumo loo egmaday Maxamed Yuusuf Jaamac “(indhasheel) oo halkaas hadal kooban ka soo jeediyey, isagoo ka codsaday inay gacan siiyaan waqtiga uu taladda hayo, lana sii laban laabo dadaalka loogu jiro sidii maamulka khaatumo state uu u horumari lahaa.
Madaxweyne Indhosheel ayaa goobtii uga mahadceliyey Madaxweyne Axmed karaash hawshii cuslayd uu uqabtay dadkiisa iyo dalkiisa. isagoo sheegay inuusan hadana meel fog tegin ee weli talada ka dhiiban doono golaha madaxtooyada.
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=35200













guul iyo habanimo mashaa laah aad ban ugu faraxsanahay sidaa wacan ee ay uu dhacday kala warega madaxda khaatumo mida kale waxan ka codnayaa shacabka reer khaatumo inaay garab istagan mamulkoda waayo mamulka waxaa wax ka dhigi kara waa shacabka marka mamulkenaa hiil iyo hobaa waa in lalaa garab istagaa markas buu meel gadhi kara hadi kale waxaa dhacaysa mah mahdii somaliyed oo dhahaysaa ruqo ninka lahaa dabadaa haayo maa kacdo marka raqbaa waa ku rageda mamulkenanaa kii gulayista ilahay haa ka dhigo amiiin amiiiiiin amiiiiiiiiiin
waar malagu siidaayey nimcaan
Maasha allah falilahil xamdu Eebe ayaa mahad oodhan leh !
Bal eeg sida milgaha iyo gobanimada leh ee xilka loola kala wareegey
Dad somali ah oo magaalada ila degan baa telefoon iigu sheegay anoo shaqo kujira sida quruxda badan ay u dhacday xil-wareejinta Wow masha allah.
Dhulbahante iyo majerten inay isku dhaqan ahayn taas baa cadaynaysa
xiligii c,lahi yusuf iyo jamac cali waxay isku dileen kursi iyago garan waayey in kursigu yahay Meerto xiliba qof imanayo subxan allah kkkkkkkkkkk
dagaalkii cumar max,ud iyo cisman max,ed kursi-kudirirkii waxaa ku dhintay kumanaan waxaa kaloo ku dhaawacmay kumanaan hantida ku burburtay iyo guryaha la dumiyey qardho iyo tuuloyin kale lama xisaabi karo
waa kaa caqliga liita siyaasada majerten markasa hadeer kuwo waxmagarato ah
u dhumanayan iyado koodu ka maamuus fiican yahay !
Somalia waxay noqotay xagee joogaan dadkaagii dhulkee haystaa
qof waliba waa inuu noqdo Pro-active oo taageerno maamulkena Khatumo state.
Long life khatumo state of Somalia
Wabilahi Towfiiq.