Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Warbixinta Guddiga Baarista UN-ka ay kasoo horjeeddo nabadda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay warbixintii kooxda baarista Qaramada Midoobay ee uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii lagu eedeeyay inay tahay mid looga gol leeyahay in nabdda Soomaaliya lagu burburiyo, isagoo sheegay inaysan jirin hanti ay lunsadeen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka sheegay xaflad uu isugu sharraxayay ka qaybgalka doorashada madaxnimo ee Soomaaliya ee dhacaysa bisha Ogoosto ee soo socota ayaa sheegay inuu u baahan yahay in fursad si mar kale uu hoggaanka dalka u qabto.

“Kooxdan baarista (Monitoring Group) waxay ka mid tahay cadawga Soomaaliya, waxaana is-weydiin leh 20-kii sano ee lasoo dhaafay ma sameeyeen warbixin, maxaa u diiday inay sameeyaan, waayo dad ayaa la dhacay, dad ayaa la dilay, dad ayaa la kufsaday; balaayana way dhacday, warbixin ay ka sameeyeenna ma jirto, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti – boqol doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadanno oo noo muuqatayna ma jirin, lacagtii aan howsha ku billowynayna waxaan ka daynsannay ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu si kulul u yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ganacsatada qaarkood ay weli daymahooda la siin, wuxuuna warbixinta kooxdan ku tilmaamay mid laga xumaado ujeeddooyinka laga leeyahayna ay tahay in la dumiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in warbixinta lagu soo aaddiyay xilli kala guur ah, isagoo sheegay in danta laga leeyahay halkaas laga ogaan karo. Waxaana hadalka madaxweynuhu uu imaanayo iyadoo maanta golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay loo gudbin doono warbixinta lagu sheegay inay madaxda DKMG ah lunsadeen hanti Qaran.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu xilka mar kale qabto, isagoo sheegay inuu doonayo inaysan lumin fursadihii ay kasoo shaqeeyeen isla markaana uu doonayo inuu waddada u xaaro da’yarta Soomaaliyeed si ay ugala wareegaan hoggaanka dalka, maadaama aysan meesha iska joogayn.

“Waxaan doonaynaa inaan xaqiijino mustaqbal ummadda Soomaaliyeed, dadka aan anigu ugu yarahayna waxaan leeyahay waqti badan ayaa naga lumay, welina ma arag dowladnimo taam ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu hadalkiisa ku daray inuu doonayo inaanay mar kale lumin fursad, ayna da’da soo koraysa u diyaariyaan mustaqbal wanaagsan si ay ula wareegaan hoggaanka dalka.

“Fursad in nala siiyo ayaan u baahannahay, waayo waxaan doonaynaa inaan kuwa naga yaryar iyo caruurteeda u diyaariyo dalka una banneyno talada,” ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabadda uu isku sharraxayay.

Ugu dambeyn, madaxweynu wuxuu sheegay inuu doonayo inaysan meel cidlo ah uga tegin howshii ay soo qabteen, balse ay ka go’an tahay inay dhameystiraan, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku hoggaamiyo dareen wadaniyadeed iyo mid Soomaalinimo oo daacad ah.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=34553

Posted by on Jul 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery