Madaxii sirdoonka dalka Masar Omar Suleyman oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.
USA(Allssc)Madaxii hore ee sirdoonka dalka Maraykanka Omar Suleyman ayaa ku geeriyoday dalka Maraykanka kadib markii la sheegay in uu xanuunsanaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Omar Suleyman ayaa waxa uu loo magacaabay madaxweyne ku xigeen maalmihii ugu dambeeyey ee uu xukunka dalka Masar uu hayay madaxweynihii hore ee la afgambiyey Xusni Mubarak.
Omar Suleyman oo ka mid ahaa saraakiishii ugu caansanayd ee soo marta dalka Masar ayaa ka mid ahaa musharixiin isu soo taagtay inay u tartamaan xilka madaxweynaha dalka Masar, hase yeeshee guddigii doorashada ayaa diidey in uu kamid noqdo musharixiinta u tartamaysay doorashada dalka Masar.
Illaa iyo iminka lama xaqiijin cudurka uu u geeriyooday General Omar Suleyman iyadoo sidoo kale aan la shaacin halka lagu aasi doono.
Dalka Masar ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed kadib markii uu is casiley madaxweynihii hore Xusni Mubarak isla markaana laga qabtay doorasho uu kuguuleystey hogaamiyaha ururka sida weyn ugaga soo horjeeday dowlada .

Short URL: http://allssc.com/?p=34547












