Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Horgaladii SNM-tu u Xilsaaratey Duleynta Shacabka Sool oo Isdalaya Iskuna Dacweynaya Aabohood Siiraanyo, Qaarna uuba Wuxuu U Dhiibtey Ka Xayuubsadey (Warbixin)

Lascanod(Allssc)Maayarka degmada Laascaanood ugu magwacnaa Maamulka Siilaanyo SNM ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkii iskaga cararay, kadib markii uu shir-jaraa`id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee degmada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Gudoomiyaha degmada Keyse Maxamed Xaaji Xusseen ayaa iscasilaadiisa ku macneeyey caqabado kaga yimi maamulka gobolka mudooyinkii la soo dhaafay taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aanu ka wadan karin hawlihii degmo.

Keyse waxa uu ka war bixiyey waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayey oo ku dhow laba sanadood waxaanu si cad u weeraray gudoomiyaha gobolka oo uu sheegay inuu kula kacay falal aad u qalafsan oo ay ka mid yihiin xadhig.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Laascaanood ayaa isagu sheegay isla shirkaasi jaraa`id in uu ka war sugayo maamulaka SNM Siilaanyo, ninka u qaabilsan SNM-ta arimaha gudaha balse uu sii wadi doono shaqadiisa.

Iscasilaada Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa ka danbaysey kadib markii xabsiga loo taxaabay Talaadadii aan soo dhaafnay isaga iyo kuxigeenkiisaba, taas ka ka timid markey mudo isheysteen isaga iyo nin kale oo SNM-tu ku magacawdo inuu u yahay badhasaabka gobolka Sool, markaa kadibna ay isku dacweeyeen maamulkii SNM ee ay u duleeynayeen shacabkooda.

Short URL: http://allssc.com/?p=34569

Posted by on Jul 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery