Liiska Musharixiinta u Taagan Jagada Madaxtinimada Soomaaliya(Akhriso liiska)
(Allssc) Waxaa markii ugu horeysay Shabakada Allssc.com ay heshay liiska musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada dawlada Soomaaliya ee illaa hadda liiskooda la soo gaarsiiyey xafiisyada ku shaqada leh, waxaana liiska uu gaarayaa illaa 25 musharax.
Liiska musharixiinta ayaa waxaa ku jira madaxda DKMG Soomaaliya ee hadda xilka heysa, waxaana muuqaneysa in madaxda laftooda ay saameyn weyn ku leeyihiin ololaha doorashada oo la filayo inuu soo gabagaboobo 20-ka Agoosto oo fooda nagu soo heysa.
1) Dr C/raxman Maxamed Cabdi xaashi(Dhulbahante/Darood) Waa Aqoonyahayn heysta derejada Dr waxna ku soo bartey USA
Wuxuu ka soo jeedaa qoys caan ku ah talada, waa wadani somaliyeed oo doonaya in uu shaqeeyo Umada Somaliyeed.
Wuxuu dhawaan muqdisho kaga dhawaaqey musharaxnimadiisa .
2) Shariif Sheekh Axmed- (Beesha Agoon yar, Abgaal). Waa madaxweynaha DKMG ah ee hadda xafiiska jooga. Sheekh Shariif wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay 135 oday dhaqameed ee ku shirsan Muqdisho, waxaana laga yaabaa in saameyn uu ku yeesho xubnaha baarlamaanka cusub.
Shariif waxaa la sheegayaa inuu taageero fiican ka soo sameystay wadamada Uganda, Burundi, Jabuutti iyo Kenya oo hadda saameyn toos ah ku leh arimaha siyaasadda Soomaaliya maadaama ay ciidamadooda ka dagaalamayaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale dawladaha Sudan, Turkiga iyo Ingiriiska ayaa laga yaabaa inay gadaal ka riixayaan.
Taageerayaashiisa gudaha wuxuu ugu kalsoon yahay kooxda AALA SHEEKH oo la filayo inay tiro fiican baarlamaanka cusub ku yeelan doonaan. Rajo weyn ayuu Shariifku ka qabaa inuu mar labaad ku soo laabto xafiiska Villa Soomaaliya, sida ka muuqata ololihiisa marar badana uu ka sheegay fagaarayaal.
3) Shariif Xasan Sheekh Aadan - (ASharaaf/Digil). Wuxuu ahaa wasiir maaliyadeed xilligii Cumar C/rashiid, wuxuuna markii dambe noqday gudoomiyihii baarlamaanka May 2010- Disembar 2012.
Shariif Xadan wuxuu si weyn ugu dhex jiraa arimaha odayaasha dhaqanka, baarlamaanka cusubna waa looga cabsi qabaa. Hami weyn ayaa uga jira kursiga madaxtinimada waana sababtaas mida kala geysay isaga iyo saaxiibkiis Sheekh Shariif.
Haaddii Shariif Xasan uu ku soo baxo kursiga madaxweynaha, waxaa isbedel weyn ku iman doonaa dheelitirka awood qeybsiga beelaha ee ku saleysan 4.5, si uu taasi u ilaaliyana waxaa uu Shariif Xasan u baahnaan doonaa inuu kuraasta afhayeenka baarlamaanka iyo kan raysul wasaaraha keeno labo nin oo ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo Daarood. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu qorshahaasi mar hore diyaariyey.
Shariif Xasan olole muuqda ma wado, mana ahan nin looga bartay inuu fagaaarayaasha iyo kulamada ka khudbeeyo, taasi bedelkeedana wuxuu ciyaarayaa kaalin aan la dareemi karin oo marar badana uu ku guuleysto aakhirka.
4) Prof C/weli Maxamed Cali Gaas- (Cumar Maxamuud/Majeerteen). C/weli Gaas waxaa uu siyaasada dalka ku soo biiray xilligii xukuumaddii Farmaajo, Bishii June 2011 ayaana loo magacaabay raysul wasaaraha dalka. Hamigiisa tartanka doorashada waa mid cusub oo soo baxay in ku siman usbuucyo kaliya, waxaase la sheegayaa in la taliyaashiisa ku dhiirgaliyeen inuu tartamo.
C/weli Gaas hadda saameyn muuqata kuma lahan odayaasha dhaqanka, laakiin waxaa la filayaa inuu lug fiican ku yeesho baarlamaanka cusub.
Prof. C/weli Gaas taageerada ugu badan wuxuu ka filayaa dhanka Puntland. Waxaase jira wadamo qaar oo uu saaxiibtinimo la leeyahay oo laga yaabo inay iyaguna taageeradooda siiyaan.
5) Dr. C/raxmaan Maxamed C/laahi Baadiyow- (Wacaysle/ Abgaal). Wuxuu ka yimid Canada. Wuxuu ka tirsan yahay illaa hadda guddiga sare ee maamulka Jaamacadda Muqdisho.
Dr. Baadiyow waa xubin firfircoon oo ka tirsan ururka Al-Islaax oo uu ku jiray illaa 1985. Waxaa la rumeysan yahay in Al-Islaax ay rajo gelisay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka dhacay wadamada Masar iyo Tuunis oo Ikhwaanul Muslimiinka ay awooda ku soo bexeen.
Dr. Baadiyow hadda saameyn kuma dhex lahan odayaasha dhaqanka, laakiin dadka yaqaana waxay sheegayaan inuu kamid yahay musharixiinta rajada leh. Ugu yaraan diblomaasiiinta reer galbeedka ee la socda arimaha Soomaaliya kama welwelsana Islaamiyiinta ‘qunyar socodka’ sida Al-Islaax inay xukunka ku soo biiraan.
6) Maxamed C/laahi Farmaajo- (Mareexaan). Sanadkii uu raysul wasaaraha ahaa ayaa Farmaajo la sheegay inuu noqday ninkii ugu horeeyay ee dhaqaajiyey shaqada xukuumadda fadhiidka ahayd ee DKMG. Waxaa lagu xusuustaa markii uu xilka ka dagay bannaanbaxyadii waaweynaa gudaha iyo dibadda ka dhacay, waxaana loo arkaa nin rumeysan mabda’a qowmiyadeynta ama wadaniyad.
Farmaajo dhaqdhaqaaqyo ayuuu ka wadaa gudaha iyo dibadda, wuxuuna horkacayaa xisbigiisa ‘TAYO’ oo ay ku jiraan xubno u badan dadkii isaga la soo shaqeeyay intii uu raysul wasaaraha ahaa oo qaarkood wasiiro u ahaayeen. Farmaajo iskuma fiicna isaga iyo xafiiska UNPOS laakiin waxaa jira wadamo ajnabi ah oo taageeraya ololihiisa.
7) Xasan Sheekh Maxamuud- (Wacaysle/ Abgaal). Wuxuu hogaamiyaa Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ‘PDP’. Xasan wuxuu ka mid yahay qurbejoogta ka soo laabatay Canada. Wuxuu mudo dheer ahaa madaxa Jaamacada SIMAD, waana aas aasihii Jaamacadda. Waana nin furfuran.
Xasan Sheekh olohiisa wuxuu si xoog ah uga socdaa Muqdisho, gaar ahaan warbaahinta. Odayaasha dhaqanka qaarkoodna way is arkaan, lagana yaabee in baarlamaanka cusub uu saameyn ku yeesho.
Xasan wuxuu aad ugu dhow yahay Kooxo Islaamiyiin ah iyo siyaasiyiin madax banaan intaba.
8) Maslax Maxamed Siyaad- (Mareexaan/ Daarood). Waa wiil uu dhakay madaxweynihii dawladii militariga ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Maslax wuxuu ka mid ahaa taliyaashii ciidanka Soomaaliya sanadihii uu aabihiis xukunka hayey. Doorashadii madaxtinimada DKMG Soomaaliya ee Jabuuti ka dhacday Janaayo 2009 ayuu u tartamay Maslax, hase yeeshee ma guuleysan.
Maslax Maxamed Siyaad wuxuu ololihiisa hadda ka wadaa Nairobi oo uu degan yahay, welina ma uusan iman Muqdisho laakiin xiriiro ayuu la leeahay gudaha.
9)- C/laahi Axmed Cadow- (Sacad/Habargidir). Wuxuu ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Marxuum C/laahi Yuusuf sanadkii 2004 doorashadii ka dhacday Nairobi. Sanadkii 2000 wuxuu ahaa musharaxa kaliya ee wareega labaad la gaara C/qaasim Salaad Xasan oo markii dambe ku guuleystay madaxweynaha DKMG Soomaaliya. Wuxuu diblomaasi ka noqday safaaradda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, marna wasiir arimo dibadeed ayuu noqday.
Caddow waa nin da’ ah mudo dheerna wuxuu deganaa Mareykanka, dhowaan ayuu ku soo laabtay Muqdisho isagoo shaaciyey musharaxnimadiisa.
10) Prof Axmed Ismaaciil Samatar- (Samaroon/Dir). Wuxuu ku tartamayaa xisbiga Hiil Qaran oo ah gole ay ku mideysan yihiin qurbejoog iyo gude joogto Soomaali ah. Waxay hadda xafiis ka furteen Muqdisho. Samatar laftiisa wuxuu ka soo laabtay Minnesota, Mareykanka oo uu macalin jaamacadeed ka ahaa.
Prof Axmed Samatar iyo xisbigiisa saameyn kuma laha arimaha odayaasha, roadmap-ka iyo dastuurka hadda ka socda dalka, laakiin waxaa loo arkaa inay saameyn yeelan karaan marka marxaladan laga gudbo.
11) C/raxmaan C/Shakuur Warsame- (Cayr/Habargidir). Wuxuu xildhibaanimada ka soo galay baarlamaankii la balaariyey ee Jabuuti lagu sameeyay 2009. Ka horna wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenkii Isbahaysigii Dib u Xoreynta ee Asmara iyo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga. Wuxuu degan yahay London.
C/raxmaan C/Shakuur wuxuu mar ahaa wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, mudadii uu xilkaasi hayayna waxaa lagu eedeeyaa inuu ahaa ninkii ganactiisa ku saxiixay heshiiskii badda Soomaaliya looga iibiyey Kenya.
Wuxuu ka tirsan yahay kooxda ‘DAM JADIID’ oo ah garab ka go’ay ururka Al-Islaax oo ah garab ku dhow kooxda ‘AALA SHEEKH’ ee Sheekh Shariif hogaamiyo. C/Shakuur Waxay mar saaxiibo ahaan jireen Madaxweyne Shariif laakiin waayadan dambe way sii kala fogaanayeen isaga laftiisa ayaana dhowr jeer warvaahinta ka cambaareeyay suyaasadaha madaxweynaha.
12) Cumar Sowjar- (Leelkase) Cumar waxa uu yahay Xoghayaha Guud Golaha Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa uuna kamid ahaa aasaasayaashii Ururweynihii Midnimo waa Siyaasi qunyar socod ah waxa uu inmudo ah kunoolaa Wadanka Mareykanka Gaarahaan Gobolka Colorado.
Saameyn muuqata kuma leh Cumar Sowjar gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo baarlamaanka.
13) Siciid Ciise Maxamuud- (Cayr/Habargidir). Wuxuu wataa Xisbiga ‘DADKA’ oo laga yagleeyay Muqdisho. Wuxuu ololihiisa ka wadaa Nairobi, dhowaana wuxuu tagay Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Saameyn muuqata kuma leh Siciid Ciise gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo baarlamaanka cusub midna.
14) Dr Xuseen Khaliif Xaaji Jamac- (Cumar Maxamuud/Majeerteen) Mudo dheer ayuu deganaa Sacuudi Carabiya, wuxuuna maamul ka qabtay Baanka Islaamka. Waa nin Mutacalin Dalalka East Africana Ganacsi Ku Leh.
Xuseen waxaa lagu tiriyaa Al Itixaad Al Islaami oo ka mid ah ururada Islaamiyiinta ee Soomaaliya, saameyna ku leh wadamada Carabta sida Sacuudiga.
15) Jaamac Cali Jaamac- (Cismaan Maxamuud/Majeerteen). Wuxuu sanadkii 2002 madaxweyne ka noqday maamul goboleedka Puntland, waana Colonel hore. Weli waa xildhibaan ka tiraan baarlamaanka Soomaaliya. wuxuu dhowaan isku sharaxay dalka Sweden.
Jaamac aad ayey iskugu xun yihiin Ethiopia, waayo maamulkiisii Puntland waxaa xukunka ka tuuray C/laahi Yuusuf oo berigaas Ethiopia saaxiib la ahaa. Wuxuu kaloo Jaamac ku dhow yahay siyaasiyiin uu ka mid yahay C/Qaasim Salaad Xasan oo Ethiopia aad u neceb.
16) Yaasiin Maaxi Macalim- (Abgaal). Waa ninka ugu dhalinta yar musharixiinta illaa hadda isa soo taagay. Waxaa loo arkaa siyaasi aan saameyn badan lahayn.
Yaasiin wuxuu ka mid yahaydhalinyarada Soomaalida ee dibadaha ku soo wax bartay.
17) Prof Axmed Muumin Warfaa- (Xawaadle/Hawiye). Mudo dheer ayuu hormuud ka ahaa jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho. Wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada tirada yar ee ku takhasusay cilmiga beeraha.
Wuxuu mar la taliye u ahaa Sheekh Shariif laakiin xilkaadi wuu isaga tagay sanadkii 2010 kadib markii sida uu sheegay madaxweynuhu dhageysan waayay talooyin fara badan oo uu siiyey.
Hadda wuxuu degan yahay Mareykanka, halkaasoo dhowr jeer uu ka sameeyay ololayaal siyaasadeed.
18) Prof Maxamed C/weli- (Fiqi Maxamed/Dir). Wuxuu ka mid yahay qurbejoogta Soomaalida ee sheegtay inay u sharaxan yihiin doorashada.
19) C/laahi Sheekh Xasan- (Wacbuudhan/Abgaal). Wuxuu mar gacanyare u ahaa hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow, kadibna wuxuu la xirtay hogaamiye kooxeedka Cumar Finish oo ay qaraabo yihiin.
C/laahi wuxuu hadda ku hawlgalaa xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada oo uu isaga uu hogaamiyo. Waa nin aad u dhaleeceeya dawlada KMG ah, dhowaana wuxuu ka mid ahaa xubno bulshada rayidka oo lagala tashaday dastuurka qabyada ah, laakiin ma ahan nin leh saameyn weyn marka laga eego dhanka odayaasha dhaqanka iyo baarlamaanka cusub.
20) Cumar Salaad Cilmi- (Sacad/Habargidir). Wuxuu ka yimid Ingiriiska.
21) Maxamed Maxamuud Guuleed ‘Gacmadheere’- (Saleebaan/Habargidir). Waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG ah. Sanadkii 2000 wuxuu ku tartamay doorashadii ka dhacday Jabuuti. Dawladii KMG ee Nairobi lagu soo dhisayna xilal wasiirnimo ayuu ka qabtay gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha, waxaana lagu xusuustaa markii uu amray in laga guuro qeybo ka mid ah koonfurta Muqdisho oo ay duqeeyeen ciidamadii Ethiopia dad badana ku dhinteen.
Gacmadheere kuma jiro siyaasiyiinta saameynta ku leh odayaasha dhaqanka iyo baarlamaanka cusub.
Musharixiinta kale ee magacyadooda aan helnay waxaa ka mid ah;
22) C/raxmaan Xaaji Cabdulle ‘Ibcad’
23) Cali Macalim Maxamed Aadan ‘Guuriye’
24) C/qaadir Xaashi Cali ‘Fishi’
25) Maxamed Cismaan Gacal ‘John’
26) Sheekh C/raxmaan Xaaji Dabcasar.
Short URL: http://allssc.com/?p=33702
![candidate[1]](http://allssc.com/wp-content/uploads/2012/07/candidate1.jpg)













yaasin ibraahim cise darmaan waanu ku dooraney madaxweynah somalia
welcome to somalia gacmo furen iyo niyad saafi ah ku soo dhowow
ani ku hadlaya magac dhalin yarada somaliyeed meel walboy jogaan
waxaanu ku siiney codkayaga adiganu kuu dooraney madaxweynah somalia
viv somali weyn
viv madaxweyne daacad ah