Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Kulankii Ugu Horeeyay Ee Dhex Mara Labada Madaxweyne Ee Koonfur Sudan Iyo Waqooyi Sudan(Warbixin+Sawir)

Madaxweynaha Sudan iyo Madaxweynaha Koofurta Sudan ayaa markii u horeysay ku kulmay magaalada Addis Ababa, tan iyo markii labada dal ay dagaalo ku dhex mareen xuduuda u dhaxeysa bishii April, iyagoo ku sigtay labada dal dagaalo qaraar dhex mara.

Labada Madaxweyne Jen. Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madaxweyne Salva Kiir ayaa isku arkay kulanka madaxda Midowga Afrika ee ku dhex maraya magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.

Koofurta Sudan oo hal sano ka soo wareegatay markii ay xornimo ka qaadatay, isla markaana ay gooni isu taagtay, ayaa labada dal waxaa soo dhex galay khilaafyo la xiriiray saliida ay wadaagaan.

Labada dhinac ayaa la filayaa inay heshiisyo ka gaarana dhanka sohdinta iyo arrinta ku qaaday saliida oo wali aan ku heshiin sida ay u qeybsanayaan, iyadoo Koofurta Sudan ay sheeganeyso lahaanshaha deegaanada qeyraadka leh.

Wali wax war ah lagama soo saarin waxyaabaha ay ka wada hadleen labada Madaxweyne, hase ahaatee Labada Madaxweyne ayaa meel fagaare ah markii u horeysay isku gacan qaaday.



Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa labada Sudan ugu baaqay degenaansho iyo xasilooni, iyo in xal laga gaaro muranada la xiriira xuduuda labada dhinac, sidoo kale deegaanada kheyraadka leh.

Xafiiska Wararka Shabakada Allssc.com
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn 

Short URL: http://allssc.com/?p=34035

Posted by on Jul 15 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery