Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Kulan Dhexmarey Ururada Dhalinyada,Ururada Haweenka Iyo Maamulka Khaatumo State, Kulankan Oo Ka Dhacay Madaxtooyada Maamulka Ee Magaalada Buuhoodle(Dhageyso)

Buuhoodle(Allssc): Kulan xalay dhermarey Ururada dhalinyada kuwa haweenka Iyo Maamulka Khaatumo State, Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State ee magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Kualankan ayaa ahaa mid laysku waydaarsanayay wax u qabsoomay Lixdii bilood ee lasoo dhaafey Maamulka Khaatumo State, Yadoo sidoo kale halkaasi ay Ururada Bulshada Khaatumo waydiinayeen maamulka wixii u qabsoomay, Islamarkaana ay Ururada Bulshada Khaatumo ee magaalada Buuhoodle soo bandhigayeen taageeraha ay u hayaan maamulkood.

Hadaba kulankan ayaa ahaa mid saxaafadu banaanka kajoogto yadoo kadib markii kulankani dhamaadey uu Saxaafada u waramey Godoomiyaha  G/Cayn ee Maamulka Khaatumo State , Wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in halkaasi lays ku fahmey.

Ururada Dhalinyara maamulka Khaatumo State ee magaalada Buuhoodle xarunta G/Cayn ayaa ah inta badan kuwo yagu usoo jeeda dhadhaqaaqa iyo wada shaqeynta maamulka Khaatumo State, Yadoo sidoo kale uu ku sugan yahay magaalada Buuhoodle Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Khaatumo State.

Hadaba Hoos Ka Dhageyso Warbixintii Uu Siiyey Bahda Saxaafada Khaatumo State Gudoomiyaha G/Cayn,Cabdiraxman Maxamed Axme.

Halkan Ka Dhagayso

AMA

(Halkan Ka Dhageyso)

Xafiiska Wararka  Shabada (Allssc News Desk)

Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn 

Short URL: http://allssc.com/?p=33427

Posted by on Jul 8 2012. Filed under Wararka, Waraysi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery