Khatarta Cudurka Ebola Ee Ka Dilaacay Uganda Uu Keeni Karo Somaaliya.
Kampala(Allssc): Cudurka Ebola oo ah cudur aafo ah oo saf mareen ah dadkana u laaya si aad u ba’an ayaa mar kale ka dilaacay dalka Ugandha oo ciidammo badani ka joogaan koonfurta Soomaaliya.
Cudurkan oo markii ugu horreysey kasoo if baxay dalalka ku yaalla Central Africa sida Democratic Republic of Congo(Zaire), Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe(Central African Republic),Congo Brazaville,Burkina Faso iyo Uganda, dhowr jeer oo horena soo noqnoqday ayaa waxa keena cunida hilibka daayeerka wuxuuna dadka ku ridaa dhiig bax iyadoo qofka meel kasta oo daloosha dhiig ka qulqulo sida,sanka,afka,dhegaha,indhaha,duburta iwm.
Cudurkan oo lagu kala qaado taabashada,neefta,salaanta,galmada,weelka iyo dhunkashada ayaa wuxuu halis ku keeni karaa dadweynaha Soomaaliyeed iyadoo ay suuragal tahay in ciidamada Africanka ah siiba kuwa Uganda,Burundi iyo Kenya ay si fudud ku soo gudbin karaan.
Waxaynu la wada soconnaa in guuto cusub oo ciidamada Ugandha ahi ay bisha soo socota ku soo fool leeyihiin Soomaaliya iyagoo bedelaya guuto hore u joogtey dalka. Ciidamada Uganda waxay aad ugu dhexjiraan bulshada Somaaliyeed iyo weliba ciidammada Xoogga Dalka oo ay aad isugu dhafan yihiin,arrintaasina haddii aan laga feejignaan waxay keeni doontaa masiibo qaran oo hor leh iyadoo dadka Soomaaliyeed awelba waxyaabo badan u dhimanayeen.
Inkastoo hoggaanka Dowladda Kumeelgaadhka ahi hadda ku mashquulsan yahay olole kursi xejisasho ah haddana waa in la helo dad damqanaya oo muwaaddinimo muujiya kana baaraan dega qorshe lagaga hortegi karo in ummada Soomaaliyeed uu usoo hoydo dabar go’ hor leh oo aanay awood u lahayn inay wax ka qabtaan. Waxaynu ognahay in ayan jirin hay’ado caafimaad oo daryeeli karo bukaan fara badan oo xanuunkan oo kale uu keeno. Cudurkani marka la eego jawiga nadaafadeed iyo fayadhowr ee dalka maanta wuxuu maalintii isaga gudbi karaa kumanaan qof magaalada Muqdisho isagoo Virusku sii raacaya Qaadka, weelka maqaayadaha,gaadiidka daweynaha iyo fadhi ku dirirka.
Warbaahinta dammiirka lihina waa inay si weyn oo cad ugu muujiyaan bulshada qatarta soo fool leh,inkastoo laga yaabo qaar ka mid ah inay eegaan dano yar ama gunnooyin ay ku qabaan AMISOMta.
Waa in lala kaashado dadka Soomaaliya hada u arrimiya ee beesha caalamka in ay hakiyaan isu socodka dalalka cudurkani ka dilaacay iyo Soomaaliya ama la sameeyo hab ka hortegid ah oo lagu baadhayo askarta ama dadka kale ee usoo safraya Soomaaliya.
Qoraaga waxaa lagala xidhiidhi karaa modaher291@hotmail.com.
Short URL: http://allssc.com/?p=36120












