Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Khatarta Ay Leedahay Bulshada Isku Midka Ah Ee Lakala Qaybiyo ( India-Pakistankan “Wagah Border”) North-South Korea” Panmunjom Border”) (Daawo Sawiro Maqal Muuqaal).

Bismilahi Raxmaani Raxiim , waxaa mahad gaar ah iska leh Allaha Subxaanahoo watacaalaa Ina uumay inaga dhigay Dad islam,suni ah 100%. Waxaan Mahad balaadhan iska leh Allaha Raxmaanka ah ee Raxiimka ah ee inagu galadaystay nimcadaas.

Waxaan sidoo kale salaamaya mahadna u celinayaa  Warbahinta Xorta ah ee Codka Shacabka SSC Shaqaalaha iyo waliba akhristayaasha sharafta badan leh.

Marabo inaan badiyo qoraalkan waxaan jeclahay inaan inyar oo kooban daaha ka rogo waxana jeclahay in inta ka dhiman uu akhristuhu raadiyo si uu wax badan uga fahmo dhibaatooyinka Bulshada lakala qaybiyo iyo sida ay u saamayso labada Bulshaba.

Aan ku horeeyo Dalka Korea oo had loogu kala yeedho North Iyo South Korea dalkaas oo xaqiiqdii  dhinacyo badna ka dib dhaca waxa dhaqaalahooda iyo horu markooda ku lumay ilaalinta 38 parallel dhererkiisu yahay 250Km =160 Miles  ka oo ah xad  aan wax caqiido ah ku dhisnayn marka laga reebo dowladaha kasoo doogay dagaalkii labaad ee aduunka oo iyagu isku afgayrat 38th parallel ka.

Xuduuda maha mid ay samaysteen Bulshada Reer Korea balse waa mid aysamaysteen Gumaystihii Korea kala wareegay Gumaystaha kale marka aan sidaa leeyahay waxaan ula jeedaa dalka Korea waxa Daciifiyay oo Gumeeyay Boqortooyadii Dalka Japan oo gacanta ku haysay August 29, 1910 to August 15, 1945, gumaystahaas waxaa badalay Gumaystayaal farabadan oo iyagu markaa kasoo doogay dagaalkii labaad ee aduunta uguna horeeyeen Soviet Union iyo United states Of America iyo Xulafadiisii.

 

Kala qaybinta Shacabka Korea ee ay labada quwadood dhinacyada kasoo dageen waxa ay sababtay Dhiigbax balaadhan oo naf iyo dhaqalaba leh, waxaa sidoo kale xidhmay siu socodka dadka isla dhashay ee ku kala nool labada dhinac, waxaa xadkan been beenta ah oo kala fogeeyay Wiil iyo aabihiis,gabadh iyo hooyadeed Qaraabo iyo ehel is jecel.

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu kala qaybintan si ba’an u saameeyay Dalalka India iyo Pakistan oo hore u ahaa Dad walalao ah oo labada dhinacba ku nool, ka bixidii gumaytihii Ingiriiska waxa uu galiyay Dalalka India iyo Pakistan Dagaal sokeeye, kala gurasho iyo qax ay ku dhinteen Malaayiin dad ah, waxaa wali la xasustaa olalkaa ka baxay magaalooyinak Lahore  oo hada ku taal dhanka Pakistan iyo magaalada Kolkata oo iyaduna hada ku jirta xadka Dalka India. maaha mid aan hada ku koobi karo qoraal wax yaabihii ka dhacay Dalalkaas 1947 kii iyo dagaaldii danbe ee  labada Bulsho dhex maray.

 

 

India iyo Pakistaan waa dad isku mid ah isku dad a, labada dhinacba waxaa ku nool dad kala Caqiido duwan , kala afaf duwan, balse isku sinjiyad ah badankoodu, waxan ay gumaystaha hortiis ku noolaayeen mudooyin kumanaan sano ah si Nabad iyo is qadarin ku jirto balse nasiib xumo waxa Nabadaas Kumanaanka sano soo jirtay is badashay markii lagu dhawaaqay in India lakala qaybinayo, waxaa markiiba istagay kala shakiga Bulshada dhexdeeda oo ay ugu hiraysay dhanka Diimaha,Afafka,Qabaa’ilada, waxayna sababtay arintan in uu dhaco Xasuuq Naf iyo Maalba leh.

 

 

 

Xadka ugu ilaalinta badna marka laga tago 38th Parallelka Korea  waa “Wagah Border” oo isaguna dhaca India Pakistn dhexdooda waxaadna ka arki doontaan Sawirada iyo waliba Maqal Muuqaal Bulshada Pakistan iyo India oo labada dhinac isaga hanjabaya ama Dhoolatus awoodeed iyo mid Bulshaba isugu faanaya, waxaadna maqlaysaa Kalmad labada dhinacba ay adeeg sanayaan  midaas oo ah “Sandaa-Baad” Ha Noolaato oo midba Calankiisa iyo bulshadan goonida u go’day uu ku amaanayo ama uu ku faaninayo sidoo kalana cimri dherer uga baryayo

Ugu danbayntii Waxaan kuu dhaafayaa Garashadaada Akhristow, hadii bulshada Somaliyeed oo reer guuraa ah la isku dayo in lagu kala qaybiyo dhig iyo lool ama Beelaha somaliyeed qaar ka mida damcaan in ay Gooni isu taagaan iyadoo aan ognahay in Somaaliyi hal ceel ka cabto, hal jabad wada dagto, sidoo kale ay daba guuraan hogoshaa maalinba meel ka da’aysa bari iyo galbeed , waqooyi iyo koonfur, noloshooda midaas tahay hadii Siyaasi ama dad dano gaar leh damcaan inay ku fushadaan danahooda siyaasadeed ee guracan intee ayay Somaliyi dhiig bixi doonaa, intee colaad Sokeeyo oo lagu wiiqmo dhici doontaa hadaan Beelaha Siyaasiyiinta qalafsan aysan iska qaban.

Halkan Hoose Ka Daawo Maqal Muuqaal Korea “Panmunjom Border

“Halkan Ka Daawo

 

Halkan Hoose Ka Daawo India Pakistan Border”Wagah Border”

Halkan Ka Daawo Qaybtii Koowaad

Halkan Ka Daawo  Qaybtii Labaad

 

Eng. Mustafe Nuur

m-nuur1@hotmail.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=33023

Posted by on Jul 4 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery