Warar sheegaya In Xaglatoosiye Faroole (SSDF) Ka Codsanayo Wasiirnimadii uu 4 sano kahor uu Iska Diidey (Full Warbixin)

London (Allssc.com) Sida ay wararka qaar nagu soo gaadhaya ay xaqiijinayaan ayaa sheegaya in Xaglotoosiye ku sugan yahay hada badhtamaha maamulka Faroole SSDF weliba magaalada Garowe.
Waxay wararku nagu soo gaadhayaan in Xaglotoosiye kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mida wasiirada Garowe, Halkaasi oo la sheegay in uu wali ka baryayo in ay la kulansiiyaan Faroole. Wararka ayaa waxey sheegayaan in uu odey weyn oo horgale u ah labada maamul ee SSDF iyo SNM uu Xaglatoosiye gacanta hayo, una sheegey ‘‘inuu Faroole cadhadii uu u qabey xaglo uu ka doorbidayo xiligan in lala wada dagaalamo cadoga hada aynu wada leenahay” taas oo uu la jeedo maamulka khaatumo ee shacabka SSC u sameystey inuu danihiisa baab’ay ku hagaajisto.
Waraka ayaa sheegaya mar aanu la xidhiidhnay qaar ka mida shacabka ku nool magaalada Garowe in Xaglotosiye kulamada uu subax kasta la yeelanayo Wasiir ku xigeenada maamulka SSDF, In ay tahay mid uu xil kaga doonayo Faroolihii uu ka diidey 4 sano ka hor wasiirkii kaluumeysiga ee quudhsiga uu ku sheegey waagaas.
Sida aynu ka wada warqabno dhawaan ayay ahayd markii uu Xaglatosiye kulan hoos ahaaneed la yeeshey tiroba labo goor maamulka SNM ee uu horkaco Gacanku dhiigle Siiraanyo, uuna xiligaa u balanqaadey Siiraanyo Ninkan in uu xil siinayo, balse aanay hada jirin xil banaan oo uu hada ”ku sharfo”.
Wararka qaar ayaa sheeagaya inkastoo Faroole baahi u qabo dad makasa oo uu u isticimaalo burburinta bidhiiqa yar ee ee shacabka SSC sameystey, (maamulka Khaatumo), hadana waxey wararku nagau soo gaadhayaa in faroole oo ku caanbaxay nacaybka qof kasta oo magaca dhulbahante sheegta, in hadana laga soo xigtey inuu leeyahay ”isuma quudho inaan hor fadhiisto, dadkan sidii odey geeliii ba’ay marba dhinac laamiga u raacaya, in kasta oo uu odey reer Buuhoodle ah oo Faroole aad ula shaqeeya oo uu shaqadiisana aad mahadiyey Faroole, uu gacanta hayo xaglatoosiye.
Si kastaba ha ahaatee bulsha weynta iyagu ku dhaqan gobolada SSC ee maamulka khaatumo State ayaa ka aamin baxay nin maalinba laamiga dhinac usii haya oo marna SSDF u tuugsi taga marna SNM u tuugsi taga, balan dhaar lagu adkeeyeyna ku gala inuu dhulka iyo talada SSC inta ka dhiman gacantooda soo gelindoono, laakiin soomalidu waxey tidhaahaa ”timirtii horeba dab loo waa”, aawey yaase warkoodii maqlay meel ay ku dambeeyeen horgaladii kabuhu ka dhamaadeen sida Xaabsade, Ina Cali Shire, Ina Aadan Cade, Baahse, Cali Sandule iyo ciyaalkii ka shaqeyn jirey sariibada (kawaanka) Laasacaanood ee kala ahaa Cabdi qawdan iyo Aadan Waal iyo Ina Cambaashe, kuwaa oo dhamaan lagu quudiyo qeybtii lacagtii UN-ka bixiyey kaga soo hagaagi lahayd shacabka SSC, ee loogu talo in loogu sameyo iskuulo iyo biyo gelin.
Allssc News Desk/Online
Short URL: http://allssc.com/?p=34525












