Horgale Carab Qawdhan oo u shaqeeya SNMta ayaa caawa Gurigiisa lala beegsadey Qarax sababey dhimasho iyo Dhaawac.
(Allssc)Wararka hadeer naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee G/Sool ayaa sheegaya in caawa la qarxiyey gurigii Horgal Carrab Qawdhan oo ay walalo yihiin Horgalka kale ee caanka ah ee C/Halas Qawdhan oo maamulka Faroole u qaabilsan Maaliyada.
Horgal Carrab Qawdhan Warsame oo ugu magacaaban gacan ku dhiigle Siilaanyo taliye ku xigeenka nabad sugida ee maleeshiyaadka SNM ayaa gurigiisa caawa lala beegsadey qarax bambo ah, isla markaana waxaa ku naf waayey hal ruux oo ka tirsanaa ciidamada asluubta ee maamulka SNMta ayna qaraabo dhow ahaayeen Carab Qawdhan.
Wararkii u danbeeyey waxay sheegayana in gurigaas uu ku yimid burburweyn, ayadoo maleeshiyaadka SNM ay dib u bilaabeen ugaadhsiga horgalada deegaanka si ay isugu diraan dadka deegaanka, ayadoo dilal isku xig xiga ka dhaceen dhawaan, sidoo kale Nadalo Salaax Maxamed ayaa asagana lagu dilay Garoowe, taasoo la xaqiijiyey inuu ka danbeyey Maamulka Garoowe oo hada la hayo magacyo dilkaa gaystay oo ka tirsan kuwa Garoowe.
Dhiirane Alllssc Laascaanood
Short URL: http://allssc.com/?p=33342
![qarax1[1]](http://allssc.com/wp-content/uploads/2012/07/qarax11.jpg)













ad ban ugu farax sanahay dhibka sogaraya horgalada waxay ibsadeen dhulkodi iyo shacabkodii ninkii sixun wax udona sixun buu u dhinta modoyinkii udan beyey waxa gacanta cadowga kudhintay ilaa 4 horgal tasa noocaday nasa inay sixun iyo silic ku danbay donaan noloshodu anaguna hadan helo wan dilana horgalada waxana laga gondona dhibkii ay ugeysten shacabka marka horgaloow dhabada dhainacba waxaa kuyala dil meela ku bad badimaysid adiga sixun wax udoonay si xuna wad udhimanasa horgaloow