Horaa Loo Yiri Sir Haween Sinaba Loogama Salgaadho (( Qiso Jaceyl)
Buuhoodle(Allssc)Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Farxiyo , Mahad ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid murugo xamabarsan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada madiina, halkaasi ayaana kusoo barbaaray, kuna soo wax bartay, isla-markaana gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee FARXIYO ee waxaanu isla wada degneed degmada madiino ee gobolka Banaadir.
FARXIYO waxay kamid ahayd hablaha degmada Madiino ee sida gaarka ah ee aan u xiiseen jiray, inkastoo ay dadkaasi oo dhan ay FARXIYO iga dhaweyd, waxaana jeclaan jiray inaan markasta la-sheekeysto, la-kaftamo, la-qoslo, waayo waxay ahayd gabadha kaliya ee dhex degtay qalbigeyga.

,
Muddo kadib ayaa waxaan dareemay inaan jaceyl culus u qabo FARXIYO, hadana waxaan kari waayay inaan u sheegto jaceylka aan u qabo, aniga oo ka baqdin qabay inay igu tiraahdo “Iga Raali Noqo Waxba Kuma Qaban Karaayo, Ama Waxaa Tahay Walaalkey ee iga xishood”, taasi ayaa waxay keentay inaan jaceylkayga sheegan kari waayo.
Waxaan fursad shaqo aan ka hellay dalka Koonfur Afrika oo ay ku noollaayeen wiilal ila dhashay, sidaasi ayaana ku yimid dalka Koonfur Afrika oo aan iminka ka xamaasho, laakiin markaan muddo joogay Koonfur Afrika ayaa waxaan xiriir gaaban aan la-sameeyay FARXIYO oo iyadu iskaga soo tagtay magaaladda Muqdisho, waxayna markaasi ay ku sugneed magaaladda Nairob ee dalka Kenya.
Xiriirkayna ayaa wuxuu ku dhisnaa Internet iyo Teleefan, hase ahaatee waxaan aad u badiyay xiriirkayni, waxaana muddo kadib aan u soo bandhigay inaan jeclahay, nasiib wanaag waxay igu soo dhaweysay gacmo furan.
Waxaa aniga iyo FARXIYO inoo bilowday jewi ka duwan kii hore ee baqdinta ku dhisnaa, waxaana kala helnay kalsooni balaaran, waxaan noqonay laba ruux oo ay si weyn iskugu baxdo, waxaana xilliyada qaarkood aan ka sheekeysan jirnay markii aan joognay degmada Madiina iyo sida aanu isu xiiseen jirtay.
Farxiyo waxay noqotay gabadha kaliya ee aan markasta ku taami jiray, ku faani jiray, igu bixi jirtay, waxaana dhihi karaa FARXIYO waxaa weeye boqoradii dumarka Soomaaliyeed oo idil, waayo waxay igu abuurtay jaceyl igu xidideystay, hase yeeshee maxaa dhacay?.
Aniga iyo iyada oo si weyn isu jaceyl, misena ay isku kaaya baxdo, ayaa waxaan ka war hellay iyadoo si weyn isku badashay, welibana anigoo aan waxba ka sameyn, waxna u dhimin waxna u geysan, waxaan dareemay markasta oo aan teleefanka ka waco in’ay wejiga ii badasho, marka aan rabo inaan la-sheekeysto inay sheekada meel kale u badasho, markaan damco inaan kala hadlo wax-yaabaha aan tabanaayo inaysan waqti i siinin, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxay bilowday inay teleefanka igu damiso, amaba aysan teleefanka iga qaban.
Waxaan sameeyay talaabo kasta oo aan farxiyo ku qanci karo, ama aan kula hadlo karo, waxaan u diray boqolaal Emailo ah, hase yeeshee ima soo jawaabeyso, intaasi kadib waxaan waayay wado kale oo aan ku hadli karaayo Farxiyo, hase yeeshee haddii ay fursad ii siin laheyd halmar inaan su’aal weydiiyo, ayaa waxaan weydiin lahaa oo qura “Wax yaabaha keenay inay sidaan ii gashao, amaba ay ila dhaqanto”?
Ilaa iyo hada waxaan isweydiiyaa sababaha ay farxiyo sidaani igu galeyso, weliba midda kaliya ee i dhibtay, amaba aan ka jooggi waayi ayaa waxay tahay aniga oo aan waxba ka sameyn, sababaha ay sidaani igu sameyneyso, akhriste dabcan tanoo kale haddii ay kusoo mari laheyd waad dareemi kareysaa, xanuunka ay leedahay, hadaba waxaan kaa codsan lahaa inaad ila soo taliso.
Shabakada Wararka Allssc.com
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=33203













sxb waan ka xumahay waxa kugu dhacaya booskaad maanta k ujirto hadaaniska soo qaado waxaan samaynlahaa ama kugu la talin lahaaa in aad utimaado si aad u ogaato waxaa dhacaya maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay nin kale guursatay
Iskadaa noh oo haadhibin gabadha kuma rabtee .
Waxaad qaadaa heesta ah “Naftaydu nafbay jeceshahay naftuna nafkalay jeceshay”
ninyohow horta hadii aad guursato waa kaa ba,ayaa jacaylkii gabadhaasi aad u qaaday ,ragga qaar ayaa yiraahda gabar keliya lama sheekaysto waayo hadii ay igu daadiso tan kale ayaan ku iloobayaa jacaylkii aan taas u hayey oo marna cidlo ma dareemayo hadaba sxb ilaa afar gabdhood la sheekayso si aad uga badbaado cidlada hadii kale mar walba waxaa kuu sawirmaya wejigeedii iyo hadalkeedii macaanaa markaas baa qalbigu ku xanuunaa sxb sorry ku ilow mid kale
saxiib waxaan ku dhahi lahaa aniga farxiyo adigaa jacel iyaduse kuma jecla.
jacaylkuna qasab maaha waxaad ku haysa dhib iyada waayo nafteeda baad qasbaysaa,
hadiii lagu jaclaado oo lagu qasbo oo hadal adan u joogin lagu dhaho adba waad dhibsan lahayd
tallo ahaan sxb farxiyo kuwo ka fiicana baa nool ee adiga ha noqon mid laga faano ama aan la damcin waxaan ka wadaa hankaada kor u qaad dadaaal wax ku jacel ilaa aad heshaa
waar sxb naagtan iska ilow, mar haday Nairobi kenya joogtaba iska ilow. 99% of naagaha somalida ee kenya joogaa suuqa madow bey galaan oo jidhkoodey iibiyaan. way suurto gali kartaa iney naagtani suuqa madow gashay oo ay imika kaa ilbaxsantahay. iska samir abti oo gabadhyaroo fresh ah meelahaa ka raadso, maxaa ku daba dhigay naag mogadishu ka soo qaxdoo rafaad kenya ku geeyey.
Asc runtii waa arin xanuun badan waana ka xumahay, lakin waxaan ku odhan lahaa
1, labo ragcadood oo salaatul istikhaaro ah tuko ilahayna ka bari in uu haday khayr kuu tahay maskaxdeeda dib kuugu soo celiyo, hadii ay sharkuu tahayna ilahay kaa fogeeyo adigana khayr kuugu bedelo..
2, hadii ay weli maskaxdaada ka bixi waydo, soo eeg oo u tag baan ku odhan lahaa,
3, midna ogow gabadh nin maqan waxba uma ahan ninka la jooga baa ninkeeda ah. ilahayna talo saaro.
walee waa run